Al-Shabaab Oo Rumaysay Balanqaad Ay Ku Sheegtay In Bisha Ramadaan Laga Barooran Doono Muqdisho

0
30

Muqdisho (Hubaal) –  Kooxo hubeysan ayaa dilal kala duwan shalay xilli dharaar ah u geystay seddex askari oo ka mid ah ciidamada dawlada Soomaaliya oo ka kooban meletari iyo kuwa taraafikada.

Isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay dilal loogu geystay laba kamid ah ciidamada ilaalada wadooyinka ee loo yaqaan Taraafikada.

Dilka loo geystay labada ruux ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo isgoyska ku dilay askarta kadibna ka baxsaday.’

Isgoyska dabka ayaa ah mid mashquul badan, waxaan la ogeyn sababta ay arintaasi ku dhacday.

Askarta la dilay ee ka shaqeynayay ilaalada waddooyinka ayaa lagu kala magacaabi jiray Isaaq Salaad Jimcaale iyo Maxamuud Maxamed Maxamuud, sida uu sheegay taliyaha ciidamada ilaalada wadooyinka.

Cali Xirsi Bare (Cali Gaab)“Dadka weerarka geystay waxay ahaayeen, kuwan bastooladaha ku hawlgala.  waanan soo qabaneynaa, ninkii tiisu gasho ayaa dhimanaya”.

Picture1

Dhinaca kale, wararka aan ka helayno xaafada Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasna askari ka tirsan Meletariga lagu dilay. “Shantii saac (11-kii) ayaa la dilay meletari ayuu ahaa, wadada ayaa lagu dilay qorigiina waa laga qaatay, dad ayaa la qabqabtay, lama oga waxay yihiin dadka dilka geystay” sidaasi waxaa yidhi mid kamid ah dadka deegaanka.

Kooxo bastoolado wata ayaa la sheegay in askariga halkaasi ay ku dileen, kadibna ay ka qaateen qorigii uu sitay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here