KHILAAF MARKALE KA DHEX CURTAY WASIIR CUKUSE IYO MAAREEYAHA IYO KU-XIGEENKA TV-GA QARANKA

0
30

Hargeysa (Hubaal)- Khilaaf culus ayaa markale ka dhex curtay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Maareeyaha iyo Ku-xigeenka Telefishanka Qaranka – Khadar Xasan Cali Gaas iyo Qaasim Xasan Mataan.

Khilaafka masuuliyiintan oo dhowr jeer soo noqnoqday, ayaa salka ku haya hirdan dhinaca awoodaha maamulka TV-ga Qaranka oo ka mid ah hay’adaha ugu dhaqaalaha buuran dawladda Somaliland.

cukuse-iyo-khadar

Wasiir Cukuse ayaa amar ku bixiyey Sabtidii shalay in aannu Maareeye-ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Mr. Qaasim Xasan Mataan foodda soo gelin karin xarunta Wasaaradda Warfaafinta, kadib uu go’aankaas ka horyimi Maareeya Khadar oo sida la sheegay uu beryahan dambe u dhexeeyey khilaaf huursanaa oo la xidhiidha awoodaha maamulka TV-ga, gaar ahaan lacagta, inkastoo markii dambe Wasiirku ka oggolaaday inuu xafiiskiisa fadhiisto.

Warku waxa uu intaa ku daray in Wasiirka Warfaafintu ku amray ciidammada ammaanka xarunta wasaaradda inay xidhaan Maareeye-ku-xigeenka TV-ga, kadibna uu tallaabadaas ka gadooday Maareeye Khadar Cali Xasan Gaas oo ku magacaaban digreeto Madaxweyne Siilaanyo Telefishanka Qaranka kaga madaxbannaaneeyey maamulka Wasaaradda Warfaafinta.

Khilaafka ka dhex dillaacay Wasiirka Warfaafinta iyo masuuliyiinta Telefishanka Qaranka oo sida xoguhu tibaaxeen maraya halkii ugu xumayd, ayaa la sheegay in labada dhinac kala taagan yihiin heer aanay dib dambe u sii wada shaqayn karin, maadaama khilaafkoodu yahay mid soo noqnoday oo imminka maraya meel aan la xallin karin, una muuqda in midkood meesha kaga baxayo.

Dhinaca kale, labada dhinac ee hirdanka awoodaha maamul u dhexeeyo, ayaa khilaafkoodu gaadhay qasriga Madaxtooyada, kuwaas oo la sheegay inay Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Xirsi u kala gudbiyeen dacwado iska soo horjeeda oo midkoodba ka kale ka gudbiyey

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here