Golaha Baarlamaanka Ee Xamar Oo Ku Af-gobaadsaday In Maamulkoodu Uu Bixiyay Kharashka Maraakiibta Soo Daabulaysa Qatootiga Yemen Ee Berbera Ku Soo Qul-qulaya+Dawladda Somaliland Oo si Adag uga Hadashay
“Tiradii ugu Badnayd ee Qaxootiga Yemen ka Imanaya Oo Berbera Soo Gaadhay iyo Markabka Siday Oo Baarlamaanka Somalia Sheegeen inay Soo Kireeyeen”
Berbera (Hubaal)- Markab siday dad qaxooti ah oo kasoo cararay dagaallada yemen, isla-markaana intooda badani soomaali yihiin, ayaa waxa Baarlamaanka Somalia sheegeen inay bixiyeen Kirada uu dadkaas kusoo qaaday. markabkan oo maalintii shalay kusoo xidhay dekedda Berbera, ayaa sid la sheegay waxa uu siday tiro qaxooti ah oo lagu sheegay inay 960-qof oo soomaali ah iyo laba qof oo yemeniyiin ahayd, kuwaas kasoo yaacay dagaallada waddanka yemen ka socda. Markabkan, ayaa waxa war-saxaafadeed kasoo saaray Baarlamaanka Waddanka Somalia, kuwaas oo sheegay inay baarlamaan ahaan tallaabada gurmadka ah ee dadkaas lagu soo qaaday ay bixiyeen, isla-markaana uu markabku iyaga u kiraysnaa. Warsaxaafadeedka Baarlamaanka Somalia Markabkan Somaliland kusoo xidhay kasoo saareen, ayaa u dhignaa sidatan:
Waxaa dekedda magaalada Berbera soo gaadhay markab uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u kireeyey ka qeyb qaadashada gurmadka qaxootiga Soomaaliyeed ee naftooda kala soo cararaya dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan. Markabkan oo howshiisa ay wadeen guddi uu Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Xildhibaanno, qunsuliyadda Soomaaliya ee Yemen,siyaasiyiin iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Yemen hogaankooda ayaa waxa uu shalay(dorraad) kasoo ambabaxay dekedda bureekha oo ku dhow magaalada Cadan ee dalka yemen. Ex-Xildhibaan Maxamed Xasan Daryeel oo ah la taliyaha Gudoomiyaha Baarlamaanka kana mid ah guddiga howshan gurmadka uu Baarlamaanku u xil saaray ayaa xaqiijiyey in saaka(shalay) uu markabka u kireysan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kusoo xidhay dekedda Berbera islamarkaana ay saaran yihiin 960 qaxooti Soomaali ah iyo laba qof oo Yemeni ah. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa howshan ku gacan siinaya shirkad la yidhaahdo ADCO oo dhinaca socdaalka ka shaqeysa waxaana wejiga labaad ee dhameystirka howshan uu yahay in maalinnimada sabtida ay bilowdaan diyaaraddo lagu soo daabuli doono dadkan Soomaaliyeed ee qaxootiga ah iyo in kadibna loo fududeeyo sidii ay ku tagi lahaayeen gobolladooda. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay gurmadkan in uu ka qeyb qaadanayo 22kii-April-2015 kadib markii ay go’aamiyeen taasi Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka waxaana lacagta uu Baarlamaanka ku deeqay howshan gurmadka ay tahay 300,000$ (Saddex Boqol oo kun oo doollar). Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhowaan bogaadiyey gurmadka loo sameynayo qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya dalka Yemen waxaana uu si guud ugu mahad celiyey Shacbiga Soomaaliyeed sida ay uga qeyb qaadanayaan gurmad loo sameynayo walaalahooda kasoo laabanaya Yemen, sidoo kalena Somaliland iyo Puntland ayuu uga mahad celiyey sida ay dadkan usoo dhaweeyeen. Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ay soo saareen Baarlamaanka Somalia. Somaliland ayaan wali markabkan wax war ah kasoo saarin, waxana arrintani nusqaan ku tahay milgaha iyo maamuuska Dawladnimada somaliland, iyadoo aanay hore udhici jirin in dhaqdhaqaaqyo iyo Dawladda Somalia dabada ka riixaysaa aanay gudaha usoo geli jirin Somaliland.