“Haddii Maalmahan Tashuush Jirey, Oo Maareeyaha Cusub ee Dhalanayey Baa Fooshiisu Ina Haysay, Markaa Radiidkaas Iyo….”
“Waxa aan wasiirka (Cukuse) leeyahay annigu waan ku saamaxay oo waxba kuuma Hayo, laakiin adigu …..”
Hargeysa (Hubaal)-Munaasib muddo-dhaaf ahayd oo ay xilka kula kala wareegayeen Maareeyihii hore ee TV-ga Qaranka Somaliland Khadar Cali Gaas iyo midka dhawaan Loo magacaabay, ayaa maalintii shalay lagu qabtay Xarunta wasaaradda Warfaafinta. Munaasibaddan oo ahayd mid si weyn loo sugayey, ayaa waxa si weyn usoo buux-dhaafiyey bahda Warfaafinta oo uu hoggaaminayey wasiir Cukuse, iyadoo xil-wareejintani xiiso gaar ah lahayd, maadaama isku beddelka labada masuul ay xal u ahayd muran soo noqnoqday oo Maareeyaha la beddelay iyo wasiirka Warfaafinta in badan dhexdooda yaallay. Inta badan dadkii munaasibadda ka hadlay, waxa ay u badnaayeen shakhsiyaadka xilal kala duwan ka haya wasaaradda Warfaafinta, waxana ay intooda badan muujinayeen in khilaafkii wasaaradda hadheeyey aaanu dib usoo noqonin si horu socod loo abbaaro. Maareeyihii hore iyo wasiir Cukuse oo iyagu biyo hoostood iska hirdiyey, ayaa hadallo aan sidii la filayey u diirranayn madasha iska weydaarsaday, waxana ay afka ka muujinayeen inay saamaxaad ku doorsadeen khilaafkii iyo ismari-waagii muddada sanadaha ah dhexdooda kasoo aloosnaa. Sidoo kale waxa ay carrabkooda marwalba labadan masuul ku ballaadhinayeen jiritaanka khilaafkaas dibadda usoo baxay ee sababay inay goobta ku kala tagaan, iyagoo sababo kala duwan u sameeyey wixii khilaafkaas dhaliyey. Ugu horrayn waxa Hadalka qaatay oo ku dheeraday wax-qabadkiisii Maareeyihii hore ee Tv-ga qaranka, Khadar Cali Gaas, waxana uu tilmaamay in wasaaradda ay joogaan Shaqaale hufan oo si hufnaani ku jirto u shaqeeyaa, waxana uu intaas raaciyey tookh iyo faan uu ku faanay waxyaabo uu sheegay inuu taariikhda ku geli doono. “waxan qirayaa shaqaalaha ugu shaqada badani inay wasaaradan joogaa, waxana aan qirayaa laba shay oo aan jecelahay inay taariikhda ii galaan, waa ta koobaade waxan ahay masuulkii ugu horreeyey ee Hay’adda uu madaxda ka yahay intuu lacag ka jaro oo khasnadda Dawladda ku celiyo, haddan horumar ballaadhan ku tallaabsaday, ta labaadna waxan sunnaynaynaa in dadka saaxiibka ahi si kal iyo laab ah oo masuuliyadi ku jirto kursiga iskugu banneeyaan.” Ayuu yidhi Khadar Cali Gaas. Maareeyaha hore oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu niyad sami ku wareejiyey xilka uu hayey, si buu yidhi shaqadu usoo socoto, waxana uu yidhi. “Waxan Go’aansaday inaan shaqada qaranku aanay aniga ii curyaamin, waxana anigoo niyad wanaagsan aan banneeyey shaqadii qaranka aan u hayey.” Mudane Khadar Cali Gaas, waxa uu Khudbaddiisa sidii laga filayey kusoo qaatay Khilaafka keenay in shaqada laga qaado, waxana uu sababta khilaafka ku sheegay mid shaqada la xidhiidhay, isagoo cod dheer ku sheegay inuu saamaxay wasiir Cukuse, “Wasiirka warfaafinta wax kale iskuma aanu qabane waxay ahayd shaqada. Shaqadaana duruufteedaa leh, laakiin wax shakhsiyan ah oo annaga naga dhexeeyey ma jirin, waxana aan wasiirka leeyahay annigu waan ku saamaxay oo waxba kuuma Hayo, laakiin adigu cabdilaahow sidaad yeeli doonto mooyi.” Ayuu Khadar Cali Gaas. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isaguna Hadalka la wareegay ayaa micno ka duwan midkii uu Maareeyaha hore u sameeyey khilaafka u sameeyey, waxana uu sababta ku sheegay magacaabista Maareeyaha cusub oo uu sheegay inay jidka kusoo jirtey, waxana uu yidhi. “waxan leeyahay haddii maalmahan tashuush jirey iyo haddii shaqaalaha qaarkood ay maalmahan hag-hago yeesheen, saamaxnaa kum, Haga-hagadaasina waa iska bi’i doontaa, Fooshuna waa wax xanuun kulul oo maareeyaha cusub baa dhalanayey oo fooshiisu ina haysay, markaa radiidkaas iyo xanuunkiisa waynu ilaawi doonaa.” Weedha wasiirka ayaa waxa si weyn ugu qoslay Shaqaalihii goobta fadhiyey, kuwaas intooda badani muujiyeen in wasiirku khilaafkii foodda u saaray meel aanu lahayn. Sidoo kale waxa madasha ka hadlay Maareeyaha Cusub ee dhawaan loo magacaabay Tv-ga qaranka Cabdi Cali Mahdi, kaas oo sheegay inuu si hufnaan leh ula shaqayn doono shaqaalaha Wasaaradda, isla-markaana uu taladooda tixgelin siin doono. Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ayaa khilaaf badani hadheeyey tan iyo intii xukuumadda Kulmiye HOggaanka dalka qabatay, waxana soo maray muddadii shanta sano ahayd afar wasiir oo intooda badani khilaafku kamid noqday nolo-maalmeedkooda caadiga ah. Walina khilaafkii waxa muuqda ifafaalihiisii.