Xukuumada Somaliland Oo Wafti Wasiiro U Badan Toddobaadka Soo Socda U Diraysa Dalalka Itoobiya Iyo Kenya

0
30

Hargeysa(Hubaal) -Xukuumada Somaliland ayaa la filayaa in ay todobaadka soo socda ay wafti Wasiiro ah  dirto dalalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya iyo Kenya.

wasiirka khaarajiga

Majiraan warar rasmi ah oo ilaa hadda ka soo baxay aqalka madaxtooyada Somaliland kaasi oo lagu shaacinaayo in waftigani ay u kicitimayaan dalalka Itoobiya iyo Kenya,balse sida ay ila wareedyo lagu kalsoonayahay ay u xaqiijiyeen Mareegta Ramaasnews ayaa sheegaya in ay Xukuumada Somalialnd ay doonayso sidii ay beesha Caalamka ay ugu qancin lahayd maamul fidinta iyo mashaariicda horumarineed ee ay Xukuumadu ka wado gobalada bari ee Somaliland.

Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in Waftigan ay wahelin doonaan hogaamiyeyaasha Axsaabta qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee sadexda Xisbiga Qaran.

Maalintii shalay ayaa ay ahayd markii Madaxweye Siilaanyo uu Xafiiskiisa ku qaabilay  Safiir ku Xigeenka dowalda Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya,waxana ay Xukuumadu ay kala hadashay arimo dhawra oo ay ka mid ahaayeen in Somaliland ay muqadas tahay isla mar ahaantaana ay awood u leedahay in ay difaacato ilaashatana Xuduudaheed oo ah soohdimihii uu ingiriisku dhigay waagii uu guumaysan jiray Somaliland.waxana sida oo kale ay Xukuumadu u soo bandhigtay in uu ka caawi Somaliland sidii ay Beesha caalamka ay Xog buuxda uga siin lahayd taariikhda Xuduudaha Somaliland.

Source: Ramaasnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here