Hargeysa(Hubaal) – Waxaa Guud Ahaan Gobolka Saaxil Gaar Ahaan Magaalada Berbera Ka Socda Qaban-qaabada Mudaharaad Salmi ah oo Lagu Taageereeyo Guddida Hor’umarinta Gobolka Saaxil Ee DAN Iyo DUCO , Waxaa kale oo Mudaharaadkaa lagu cambaaraynayaa Xadhiga Gudoomiyaha Wargayska HAATUF Mujaahid Yusuf Cabdi Gaboobe .
Mudaharaadkan Oo ay soo abaabuleen Aqoonyahanada , Waxgaradka , Dhalinyarada, Haweenka Iyo DHamaan Guud ahaan Dadka Reer Saaxil . Mudaharaadkan ayaa laga dareemayaa Magaalada, kuwaas oo aad arkayso istiikaro ay ku qoran yihiin tageerada ay dadku u hayaan Guddida Dan Iyo Duco oo had iyo jeer ka shaqeeya Hor’umarinta Gobolka Iyo Ilaalinta Khayraadka Uu Rabbi ku manaystay Gobolka, Tan iyo intii Shirkii Dubbur Ee Lagu soo doortay Dan Iyo Duco Waxay Gobolka Ka Fuliyeen Iskuulo, CEELAL BIYOOD , MCH . Ay Dhiseen Oo Ay iska kaashadeen Qurba Jooga iyo dadwaynaha Guddaha ku nool ee beesha Gobolka Saaxil.Horumarkaas oo ay dadku aad ugu diirsadeen.
Waxaa kale oo mudaharaadkan lagu cambaaraynayaa Xadhiga Sharcidarada ah ee loo gaystay Gudoomiyaha Wargayska HAATUF MUJ.Yusuf Cabdi Gaboobe oo dawladdu Xadhig sharci daro ah u gaysatay ka dib markii uu Musuq-maasuq Baahsan ka qoray Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda