Shalay waxaa Gobolada Bariga Somaliland hawl shaqo ugu baxay Wafti culus oo ay horkacayaan gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Ku Xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed , xubno kamida masuuliyiinta sar sare ee xisbigaasi, sidii shalay indhihiinu ka arkayeen saxaafada , waxaa masuuliyiintaasi loosoo dhaweeyey si aan caadi ahayn .
Soo dhaweynta Masuuliyiinta Xasbiga Kulmiye waxay dhoola tus u ahayd awooda iyo kalsoonida Sahcabku u hayaan Xisbiga, waxaana makhraati u ahayd in hadii olole la galo uu Xisbiga kulmiye markale iyo markale ku guulaysan karo, reer berbrea waxay shaki saareen una quus gooyeen kuwo badan oo weheshan jiray in hadii doorasho la galo kulmiye guul daraysan doono, balse iyadoo aan wali la gaadhin Burco iyo Ceerigaabo berberaa shalay lagu quus qaatay.
Shacabka Somaliland ayaan kalsooni ku qaba 100% ah Xisbiga kulmiye waxaana uu ku kasbaday horumarka ay samaysay xukuumadii ka dhalatay , dadka reer Somaliland 2010-kii 26jun codkii ay siiyeen gulmiye guul weyn bay ka joogaan waana la gaadhay hadafkii la lahaa, insha allaah inta dhimana waynu dhamaystiri doonaan.
Hadii alle ka dhigo waxaynu u wada joognaa soo dhaweynta ay soo bandhigaan iyo cududa taageero ee Gobolada Bariga Somaliland sida Burco, Ceerigaabo, Laacsaanood, maankaab kaa ku sheekeeya hadal diciifee kulmiye inuu dalka horumuud yahay, waa hubaal “ Iska Hadloow Ina Igare” ninkii xisbi yar oo sanad jiray ku taageeray qabyaaladow waxaan ku leenahay dabkii baxayaa dab lagu qabsadaa qabyaaladi meelna ku gaadh siin mayso soo dhawoow kulmiye sidii buu shacabka u jecelyahay.
Cali Xasan
Calixasan806@gmail.com