Sheeko xikmad iyo micno badan xambaarsan oo ka dhacday dhulkay soomaalidu dagto ayaa waxay u dhignayd sidan:
Nin geel jire ah ayaa damacay inuu guursado wuxu ahaa xoolo dhaqato wax aduuna wuxu lahaa 100 geela iyo baarqabkood, reerbuu gabadh ka doonay hayeeshee reerkii waa inanta aabeheede wuxu ku xidhay 100 geela iyo baarqabkood, waana intuu aduun lahaa ninkii isagoon kaba fikirin aayatiinkiisa dambe ayuu geelii siduu u dhamaa dabada ka soo wada maray , wuxuna gudoonsiiyey reerkii isna waxa loo hibeeyey gabadhii , si dagdag ahna wuu ula wareegay gabadhii.
Ninkii xoolaha lahaa wuxuu maalin gudeheed isku badalay ugaadhsato aan kob cagaar leh ka soo doogsan, ninka waxay ood wadaag ahaayeen inaadeerkii oo isna reer ugaadhsato ah.
Markuu waagu baryana waa la kala dareeraa si loo ugaadhsi tago, markuu gabalku dhacana waa laysku soo guryo noqdaa qof iyo wuxu nasiibkiisu soo siiyaba, iyadoo xaaladi halkaa marayso ayaa goor gabal dhac ah waxa reerkii u soo hoyday odaygii dhalay inanta oo soo yarad doontay.
Habeenkaa wax la quuto oo afka la galiyo reerka may oolin, hayeeshee gabadhiibaa dumaashigeed oo ay ood wadaag ahaayeen u tagtay una sheegtay in aabeheed si lama filaana ugu yimid wax lagu sooraana aysan jirin, dumaashigeed wuxu ugu hal celiyey inanyahay wax la quuto lug sakaaro ayaan hayaa shuruud la’aana ma bixinayo, waxay waydiisay shuruudu maxay tahay, wuxu ku yidhi caawa ii gogol dhaaf, gabadhii intay fakartay ayey tidhi dumaashi imika aabo aan wax u dhadhaaro markay odaygayga iyo aabahay sheeko bilaabaana aan kuu imaado, waayahay ayuu yidhi lugtiina wuu soo siiyey.
Markii hilibkii yaraa odaygii cunay ayaa odaygii soo bandhigay qisdiguu u socday oo ahaa inuu soo yarad doontay intaan jawaab laysku celin ayey gabadhii ninkeegii ku tidhi inaadeerkaa u yeedh saddexdiinaba arinbaan idiin leeyahaye, markay isku wada yimaadeen ayey gabadhii ku tiraabtay hadalkeegana ku bilawday saddexdiinuba “Saddex Maanlaawe” ayaad tihiin, waa marka u horaysee Aaboy adoo og xaalkayaga garanna waayey ninka gabadha kaa guursaday wax umay hadhine maal sii ayaad waliba soo yarad doonatay caawana, waa marka labaade ninkan i guursadaw xoolahaaga dhamaantood wada bixi oo caydh istaag ilayn halna waa lala hadhaaye maanlaawaad tahay , waa marka saddexaade ninka gabadh 100 halaada laga bixiyey oo waliba loo soo yarad doontay lug sakaaro ku damcayow maan laawaad tahay.
Markaa akhriste sidan oo kale miyaanay ka dhignayn madaxdeenu?
Qalinkii: Akram
Hargeysa….Somaliland
Hubaal Media Network