Halkan Ka Akhri: Suldaanka Guud Ee Bariga Burco Iyo Chief-Caqil Camay Oo Wargeyska HIMILO Uga Warramay Rejada Shir-Nabadeed Qaban-Qaabadiisu Ka Socoto Qorulugud & Buuhoodle

0
44

Diyaar-garowga shirka, Ballanta Maanta iyo Wararkii u dambeeyey

Qori-lugud/Buuhoodle, 21 March, 2015 (Himilo)- Qaban-qaabada iyo diyaar-garawga Shir-nabadeed u dhexeeya Beelaha Deegaannada Qorulugud iyo Buuhoodle, ayaa ka socota labadaa magaalo, iyadoo dhinac waliba isu-diyaariyey in la isugu yimaaddo gogol nabadeed oo lagu soo afjarayo colaad soo noqnoqatay oo u dhaxaysa labadaas Beelood.

SULDAANKA-GUUD-EE-BEELAHA-HABAR-JECLO-SULDAAN-CABDILLAAHI-SULDAAN-CALIMadaxda Dhaqanka ee Beesha Bariga Burco oo uu hoggaaminaya Suldaanka guud ee Beesha Habar-jeclo Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali, ayaa maalmihii u dambeeyey isugu tegay magaalada Qorilugud ee gobolka Togdheer, halkaasoo lagu diyaarinayo gogol-nabadeed oo uu dhawaan ku baaqay Suldaan Cismaan, waxaana la diyaariyey Guddiyada wadahadalka uga qaybgalaya Beeshaas.

Sidoo kale, Beesha Buuhoodle oo uu hoggaaminayo Garaad Cabdirisaaq Garaad Cabdillaahi Garaad Soofe, ayaa iyaguna dhinacooda isu-diyaariyey imashada gogoshaa nabadeed ee Qori-lugud la dhigay, inkasta oo ay Beesha Buuhoodle ku hor-baaqday gogosha nabadeed, haddana waxa la filayaa in Qorilugud la isugu yimaaddo, sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen qaar ka tirsan Madaxda Dhaqanka Beesha Bariga Burco ee Qorilugud ku sugan oo ka gaabsaday inay faahfaahin dheeraad ah bixiyaan.

GARAAD-Cabdirisaaq-Garaad-Cabdillaahi-Garaad-Soofe-300x190Suldaanka guud ee Beelaha Habar-jeclo Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali oo Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo xalay Khadka taleefanka wax kaga weydiiyey Shirkaas nabadeed ee uu ku baaqay, ayaa sheegay inay hawshu meel fiican u marayso. “Hawshu way socotaa, wali la isma gaadhin, laakiin meel fiican bay wax noo marayaan, mana doonayo illaa wax bilaabmaan inaan ka hadlo Shirkan nabadeed.” Sidaa ayuu ku gaabsaday Suldaan Cismaan.

Sidoo kale, Suldaan ka mid ah Salaaddiinta Beesha Bariga Burco ee Qorilugud ku sugan oo Wargeyska Himilo khadka Taleefanka isla xalay wax kaga weydiiyey Shirkaas nabadeed, ayaa sheegay inaanu rabin in magiciisu Warbaahinta ku soo baxo illaa natiijo fiican laga gaadho shirka, waxaanu yidhi; “Shirkaas diyaarintiisi waa socotaa, meel fiican bay wax noo marayaan Qolada Buuhoodle-na way naga aqbaleen gogosha nabadeed ee aan Qorilugud dhignay, Guddiyadii shirkana waa xulay, iyaguna inay Sabtida wixii ka dambeeya soo ambabaxaan baannu filaynaa. Markaa, waxaan kuu sheegi karaa in labada dhinac-ba nabadda diyaar loo yahay, rejo fiican baanannu ka qabnaa in Shirnabadeedkani guulaysto oo nabad buuxda la iskula qaato.”

Hase-yeeshee, Chief Caaqil Maxamed Xaaji Cumar Camay oo Wargeyska Himilo Khadka taleefanka kula xidhiidhay isaga oo jooga Buuhoodle, ayaa ka warramay sida ay dhinacooda isugu diyaariyeen Shirkaas nabadeed, waxaanu yidhi; “Waannagii hore annagu ugu baaqnay in nabadda la qaato oo colaadda la joojiyo oo Madaxda dhaqanka ee labada dhinac isu yimaaddaan, markaa Madaxda Dhaqanka ee Qori-lugud way soo ajiibeen baaqayagii nabadeed, waanay nala soo xidhiidheen, waana loo diyaar in nabadda laga wada shaqeeyo.”

“Markaa, waxaannu diyaarinnay dhinacayaga Guddigii bilaabi lahayd hawsha nabadda ee shirkaa ka qaybgeli lahayd. Sabtida ayaannu wadahadalka u dambeeya yeelanaynaa oo Madaxda Dhaqanka ee labada dhinac (Qorilugud iyo Buuhoodle), khadka Isgaadhsiinta ku wadahadli doonaan haddii ILLAAHAY yidhaahdo, wixii ka dambeeyana waa ambabax iyo is-arag.” Sidaa ayuu yidhi Chief Caaqil Camay.

Mar uu Caaqil Camay ka jawaabayey su’aal aanu ka weydiinnay goobta Shirku noqonayo iyo wakhtiga ay dhinaca Buuhoodle ka soo ambabaxayaan, waxa uu yidhi; “Inay Sabtida wada-hadlaan Odayaashu ayaa qorshaysan oo maanta (shalay) Jimce ayay ahayd, annaga xaggayaga Garaadka, ayaannu u xil-saarnay oo hoggaaminaya, markaa wada-hadalka Berri (Maanta) ayaannu filaynaa in la isla qormeeyo goobta uu shirku ka dhacayo haddii ILLAAHAY yidhaahdo, meeshii aannu isla qaadannana gadaal baannu idiinka sheegi doonnaa.”

Sidoo kale, Chief Caaqil Maxamed Xaaji Cumar Camay oo aan weydiinnay rejada ay ka qabaan in Shirkaas lagu soo afjari doono colaadaha soo noqnoqday ee labada Beelood, waxa uu ku jawaabay; “Rejo wayn baan ka qabnaa in colaaddaas la soo afjaro, oo dadka Caqligu shaqeeyo oo wanaagga, nabadda iyo walaalnimada laga wada shaqeeyo oo aan wax dambe oo colaad ahi soo noqon, Illaahayna waxaan ka baryeynaa inuu nagu guuleeyo Insha ALLAAH.”

Shirkan oo la sheegay inuu yahay mid ka madax-bannaan arrimo siyaasadeed, isla markaana ah mid beeleed oo qaabka dhaqanka loo marayo, ayaa ujeeddadiisu tahay in xal laga gaadho shaqaaqooyin iyo Colaado soo noq-noqday oo dhiigag badna kaga daateen labada Beelood, isla markaana meesha lagaga saaro inta la awoodo in colaad dambe soo noqoto, iyadoo had iyo jeer ay labadaas Beelood ku dagaallamaan arrimo u badan kuwo deegaan iyo daaqsimeed.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here