KULMIYE: Madaxwaynaha Somaliland Iyo Guddoomiye Muuse Biixi Way Ku Mideysan Yihiin Siyaasadda Xisbiga

0
37

Hargeysa (Hubaal) – Xisbiga KULMIYE ayaa War-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku beeniyey war ku soo baxay Wargeyska Foore oo ka soo baxa Hargeysa.

War-saxaafadeedkaasi ayaa u qornaa sidan “Wargeyska Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeisa ayaa wuxuu cadadkiisii manta boga hore ku daabacay war aan sal iyo raad toona lahayn oo waxba ka jirin, waxanan cid kasta u cadaynaynaa in warkaasi yahay been cad oo fore u badheedhay oo aanu geedna ugu soo gaban.

 muuse-iyo-siilaanyo

Waxaanu bulshada u sheegaynaa in madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga  kulmiye ay ka midaysanyihiin siyaasada Dawlada iyo xisbiga ee xiligan iyo ta mustaqbalkaba.

Saxaafaddu qaranka waxay u haysaa masuuliyad wayn , haddii masuuliyadaasi u gacan gasho cidan ehel u ahayn waxay dalka ka abuuri kartaa khal-khal wareed.

Gabagabadii waxaanu bogaadinaynaa saxaafadda inteeda badan ee dhawrtay Anshaxa iyo xeerka saxaafada waxaananu u digaynaa inta been abuurka iyo khalkhal galinta bulshada caadaysatay

ALLA MAHAD LEH

Mustafe Iid Maxamed

Agaasimaha Xafiiska Xarunta dhexe iyo Xadhiidhka saxaafada

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here