Xiisad Ka Alloosan Gobolka Sool Iyo Laascaanood Oo Xalay Korantadu Ka Go’day

0
32

Qorshihii nabadeynta ee Wufuudda Buuhoodle oo la kowsaday saan-saan lagu doc-wareemayo…

Laascaanood(Hubaal)-Dbaqdhaqaaq ciidan oo joogto ah ayaa laga soo sheegayaa  jiidaha  Gobollada Sool iyo Buuhoodle ee ku gedaaman deegaamada ay gaboodsadaan Maleeshiyaadka Khaatumo la baxay ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh.

laascaanoodDhaqdhaqaaqa Ciidan ee jiidahaas ka socda ayaa sida la sheegay waxa wada  Ciidamada Qaranka Somaliland oo ku gaaf-wareegaya soohdinta Gobolladan, si ay uga hortagaan weeraro gaadmo ah oo kaga yimaada Kooxda Khaatumo.

Ma jiro wax wara oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Qaranka iyo Xukuumadda Somaliland oo ku saabsan gulufka collaadeed ee laga dareemo Gobolladaas ee xidhiidhsan xadka u dhexeeya labada gobol, hase-yeeshee sida ay  ku warameen dad ku sugan Deegaamada, waxa jira cabsi wadnha farta lagu hayo iyo xaalad muujinaysa filasho dagaal ama isku dhac laba dhinac ah oo joogto ah.

Taasoo bulshada rayidka ee ku dhaqan aaggaga dhaqdhaqaaqa Milateri ka socdo ku khasabtay inay  ka foojignaadaan dagaal qarxa oo saameyn ku yeesha, si naftooda ula baxsadaana dhegtu taagantahay.

Dhinaca kale, warar aan rasmi ahayn oo xalay saacad dambe naga soo gaadhay Deegaanka Horu-fadhi ee dhinaca Waqooyi kaga beegan Magaalada Buuhoodle, halkaasoo  saddex maalmood ka hor dagaal ku dhex maray Ciidamo ka tirsan Milateriga Somaliland iyo Kooxo taabacsan Khaatimo, ayaa ku waramay inay xaalad collaadeed ka soo cusboonaatay shalay. “ma jiro wax dagaal ah oo dhacay ilaa maanta (shalay), inkasta oo aan xagga hour-fadhi  maqlaayo waxbaa  ka soo cusboonaday”sidaas waxa Wargeyska Yool u sheegay Wariye ku sugan Magaalo-madaxda Gobolka Sool oo Khadka Telefoonka noogu waramay.

Xaallada ayaan ku soo beegmaysa iyadoo ay usbuucan u dambeeyay Magaalada Hargeysa soo gaadheen Wufuud ka socda Deegaanka Buuhoodle oo xukuumadda Somaliland la furay wadahadalo looga arrinsanayo sidii xal nabadeed loogu dayi lahaa collaada soo noqnoqotay ee ka taagan jiidaas, siiba dagaaladii ku dhex maray Jiidaha Buuhoodle Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyo deegaanka hubaysan.

Inkasta oo aanay Weftiga Buuhoodle iyo Xukuumadda Somaliland go’aan rasmiya ka soo saarin natiijada kulamo horaantii todobaadka ku dhex maray madaxtooyada, hadana warar wargeyska Yool helay ayaa tibaaxay inay labada dhinac is-faham ka gaadhin muhiimada nabad-gelyo ka aslaaxda Gobollada Bari, gaar ahaan Buuhoodle iyo Sool.

Hase-ahaatee Wararku waxayintaa ku darayeen in iska hor-imaadkii u dambeeyay ee Deegaanka Horu-fadhi, saamayn ku yeeshay  yagleelkii  qorshaha nabadeynta ee lagu heshiiyey, kaddib markii dhinac walba dhinaca kale ku canaantay masuuliyada sababta iska hor-imaadkaas oo ay laba Nin kaga dhaawacmeen Maleeshiyada Khaatumo.

Geesta kale, Magaalada Laascaanood, ayaa xalay niskii hore ay ka go’aday Korantadu wakhti saacad ka badan.  Gabi ahaanba waxa magaalada saacad ka maqnaa Korantada, sida ay Wargeyska Yool  u xaqiijiyeen dad goob-joogeyaal ahi.

Lama oga sababta keentay dhacdadan, hase-ahaatee waxay intaas ku dareen goob-joogeyaashu inay markii dambe siddeedii caadiga ahayd ku soo laabatay Korantadu, mana jiro wax wara oo ay Shirkadda Korantada Magaalada u shidaa ka soo saartay arrintaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here