Carwada Bandhiga Hubka ee uu ku baxsaday oo Axada Furmaysa Iyo Sudan oo Liiska wadamada ka Maqan
Berbera(Hubaal)- Xogo cusub ayaa laga helay Markabkii Hubka xambaarsanaa ee horaantii bishan ka shiraacday Marsada Magaalada Berbera.
“Wargeyska Yool oo in muddo isha ku hayey dhaq-dhaqaaqa Markabkii MV-Shaker1, kadib markii Xukuumadda Somaliland ay 12 Saaacadood Gudahood, (3 February, 2015) kaga noqotay go’aankii ay Xayiraada iyo ganaaxa ku saartay, kaddib markii dhulka laga soo dhigay Gaadiidka iyo Saanada Miletari ee uu xambaarsana, ayaa xoggo cusub oo Wargeysku ka helay ilo diblumaasiyadeed waxa lagu sheegay in Markabkii MV-Shaker1, ilaa iyo hadda aanu gaadhin Dekedaha dalka isu-taga Imaaraadka Carabta, halkaasoo ahayd sidii Xukuumaddu sheegtay meeshii uu u waday Shixnada hubka ee uu siday.
Ma jiraan war amuurtaa ku saabsan oo ilaa iyo hadda kasoo baxay wadamada Gobolka iyo xukuumadda Somaliland oo si weyn loogu dhaliilay gudaha sii-deynta Saanada Milateri ee uu xambaarsana, hase-ahaatee ilo-wareedyada ayaa tilmaamaya in wali isha lagu hayo halka uu Markabkaasi aakhirka u jiheysto.
Geesta kale, Markabka oo Xukuumadda Somaliland sii-dayntiisa ku macnaysay inuu ahaa Codsi qoraal ah oo ay ka heleen Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Al-bashiir, qoraalkaasoo Xukuumaddu tilmaantay Madaxweyne Bashiirka Suudaan ku cadeeyey lahaanshaha hubka saran Markabka, iyadoo dhanka kalena tilmaamay hubkaasi uu yahay mid dalka kaga qeyb-qaadanayo Carwada Difaaca ee Caalamiga ah oo Sanadkiiba mar lagu qabto Magaalada Abu Dubai ee Xarunta isu-taga Imaaraadka Carabta.
Kulanka Carwada Difaaca Caalamiga ah oo magaceeda loo soo gaabiyo {IDEX) ayaa xidhiidho uu hore Wargeyska Yool ula sameeyey ku beenisay in Wadanka Suudaan ku jiro dalalka Qaarada Afrika ee Sanadka 2015 ku jira liiska Wadamada ka qeyb-gelaya ama kuwa codsaday bandhiga hubka Adduunka, kaasoo loo qorsheeyey furitaankiisa 22-ka February oo beegan Axada ina kulaalaysa oo Maalini inaga xigto.
Geesta kale xidhiidho dambe Wargeysku la sameeyey dhinacyo kala duwan oo u dhuun-daloola dhaq-dhaqaaqa Markabka, ayaa tibaaxay in Markabka Shaker1 aanu ilaa iyo hadda kasoo talaabin ama gudbin biyaha Badda Somaliya, sidaa darteed-na uu weli kulaalayo Xeebaha Badweynta Hindiya.
Docda kale Xogaha amuurtan la xidhiidha ayaa qaarkood xoojinayaan Wararka sheegaya in Shixnada hubka ee Markabku siday ay ahayd mid si qarsoodi ah loogu waday Dekedaha Koonfurta Somaliya, halka sidoo kalena xogahaasi tibaaxeen in Dawlada Suudaan aanay meelna kasoo gelin hubkan. Hase-yeeshee Sheekada Wadanka Suudaan ay ahayd mid ka timi Ganacsatadii sida Warka lagu sheegay Hubka laga soo iibsaday oo ahaa Suudaaniyiin.
Geesta kale waxa warka lagu sheegay in go’aankii lagu fasaxay Markabkii Hubka siday aanu ahayn mid ku yimi Codsi Somaliland uga yimi Madaxweynaha Suudaan siday bulshada u sheegtay Xukuumadda Siilaanyo, hase-ahaatee sida Wararku xuseen go’aankaasi ahaa mid ka dhashay xidhiidh hoose iyo gacan-togaalayn la is dhaafsaday labada dhinac is dhaafsadeen, arrimahaas oo lagu dhameeyey kulan ka dhacay dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu Xukuumadda Somaliland ku metelayey Muwaadin aan Qaranka wax xil ah ka hayn, hase-yeeshee lagaga kalsooni badan yahay Masuuliyiin xilal muuqda Xukuumadda ka haya.
Markabkan oo markii laga sii daayey Dekedda Berbera laga joogo 16 Maalmood ayaa gaadhis la’aanta Imaaraadka Carabtu waxay ka markhaati ka tahay sida aanay waxba uga jirin tafsiirkii Xukuumaddu bulshada ka siisay Sheekada Markabka Hubka, maadaama maqnaanshihiisu uu dhaafay muddadii Gaadiidka Baddu u kala gooshi jiray Berbera ila Imaaraadka.
Si kastaba ha ahaatee, mad-madowga ku gedaaman Markabka siday Gaadiidka iyo Saanada Miletari ee gudbi waayey xuduud badda Somaliland iyo ged-gedoonka Siyaasada Xukuumadda, ayaafalan-qeeyaasha Siyaasada qaarkood iyo qaybo ka mid ah indheer-garadka bulshada waxay ku fasireen mid khatar ah oo ku jihaysan dalka iyo dadka Somaliland.