Xeebaha Dalka Talyaaniga Oo Shantii Maalmood Ee U Dambeeyay Laga Badbaadiyay 4 Kun Oo Muhaajiriin Ah

0
66

Ururka caalamiga Muhaajiriinta (IOM) ayaa sheegaya in afar kun oo soo-galooti ah la badbaadiyay shantii maalmood ee la soo dhafay iyagoo isku dayaya in waqooyiga Afrika kaga soo gudbaan badda Mediterranean.

Madaxa heyadda, IOM, ayaa amaanay ilaalada xeebaha Talyaaniga iyo ciidamada badda.

Baadari Francis ayaa sheegay inay badbaadiyeen dad ku jiray xaalad xun.

muhaajiriin la badbaadinayoWasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga ayaa sheegay in tirada soo-galootiga ee yimid Talyaaniga lixdii todobaad ee ugu horeeyay sanadkan ay korortay lixdan boqolkiiba marka la barbardhigo isla waqtigaas sanadkii tagay.

Badi soo-galootiga ayaa ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaraha, waxayna ku jeedaan Yurub iyagoo usoo maray Libya

source:bbcsomali

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here