Baanka Caalamiga Ah Ee HSBC Oo Baadhitaano Ku Socdaan

0
85

Dembi baadhayaasha dalka Switzerland ayaa galay oo baadhitaan ku sameeyay qeyb ka tirsan mid ka mid ah bangiyada adduunka ugu waaweyn, oo lagu magacaabo HSBC, taasi oo qeyb ka aheyd baadhis la xidhiidha lacago sharci darro ah.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in baarista ay ka dhalatay warbixino dhawaan saxaafadda loo dusiyay oo sheegeysa in bangiga uu ka kaalmeeyay macaamiil maalqabeeno ah inay canshuurta la dhuuntaan.

HSBC ayaa sheegtay inay la shaqeyneyso mas’uuliyiinta Swiss

HSBC bankMadaxa bangiga HSBC, Staurt Gulliver, ayaa todobaadkii lasoo dhaafay raali gelin ka bixiyay wax uu ugu yeeray dhacdo taariikheed isagoo sheegay in si buuxda loo dhinac maray hababka bangiyada gaarka ee Swiss.

source:bbcsomali

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here