Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland Oo Cambaareysay Xadhiga Labada Wariye Ee Lagu Xidhay Gabiley

0
29

HRCLaba weriye ayaa lagu xidhay magaaladda Gabiley. Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan telefiishanka Horn Cable waxa la xidhay 30 October 2014 halka Maxamed Xassan Sh Maxamuud oo ka tirsan telefiishanka SOMSAT la xidhay 31kii October. Weriyayaashan waxa la xidhay kadib markii ay soo weriyeen mudahaar ka dhan ah xisbiga talada haya. Mudaharaadkaas oo ay qabteen dad degan Gabiley.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u canbaaraynaysaa xadhiga weriyayaasha sida ugu adag. Masuuliyiinta Somaliland waa inay sida ugu dhaqsaha badan xoriyadooda ugu soo celiyaan weriyayaashan.

Muwaadiniintu waxay xor u yihiin inay ku cabiraan fekerkooda qoraal, hadal, muuqaal,

suugaan ama qaab kale, sida ku cad qodobka 32 ee dastuurka JSL. Dastuurku wuu mamnuucay in la cabudhiyo warbaahinta.

Weriyayaashan waxa la xidhay iyaga oo gudanaya shaqadooda. Ma jirto wax qalad ah oo ay sameeyeen. Ficilka dawladdu wuxuu xad gudub ku yahay dastuurka iyo shuruucda xuquuqal insaanka ee caalamiga ah.

Waxa masuuliyadi ka saaran tahay masuuliyiinta Somaliland inay ixtiraamaan dastuurka. Xoriyadda saxaafaddu waa mid ka mid ah xuquuqaadka aasaasiga ah ee dastuurka ku dhigan.

Talaabadani maaha mid cusub. Waxa hore loo xayiray afar wargeys, Haatuf, Hubaal, Somaliland Times iyo The Independent.

Xarunta Xuquuqal Insaaku waxay ka welwelsan tahay cadaadiska xoogan ee lagu hayo saxaafadda madaxa banaaan. Xaruntu waxa ka codsanaysaa dawladda inay sii dayso weriyayaasha kana qaado xayiraaadda wargeysyada.

 

Guleid Ahmed Jama

Chairperson

Human Rights Center

Hargeisa Somaliland

www.hrcsomaliland.org

dafac02@hotmail.com

+252 (0) 63 4468227

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here