Hargeysa(Hubaal)Xukuumada uu Hogaamiyo Madexweyne Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo),ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku howlaneyd jawaabta hadal kasoo yeedhay Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye,kaas oo Xildhibaanku ku dalbadey in Madaxweynuhu iska casilo xilka uu umada hayo, islamarkaana khaatumadiisa ku dhameysto kheyr waxaanay Xukuumadu saluugtey jawaabta ku haboon hadalka dhaliisha ah ee ku aadan Xildhibaan Aareeye kadib markii Madaxtooyadu Shir jaraa,id oo ay kaga jawaabaeysay noqon waayay mid munaasib ku ah halku dhegyadii iyo dhaliishii Xildhibaan Cali Aaareeye u jeediyay Madaxweynaha. Wasiiro Xukuumada katirsan ayaa, markii sadexaad Warbaahinta usoo fadhiistey jawaabta siyaasiga codkarka ah ee Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye,oo hore u ahaan jirey Macalimiintii Dureed ee balaaqada ku leh Mawaadiicda ay ka hadlayaan,Wasiirna kasoo noqdey Xukuumadii Marxuum Cigaal waxaanay Wasiirada maanta la hadlay Warbaahinta qaarkood ku jiheysnaayeen, sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen weedhihii cuslaa ee Xildhibaan Aareeye u jeediyay,iyadoo Magaalada Booramana laga abaabulay Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo aan miisaan badan ku laheyn Deegaanada Gobolka Salal iyo Degmada Saylac ee uu inta badan u hadlo Xildhibaan Aareeye,waxaana dad badani isweydiinayaan in Xukuumadu siweyn u dhibsatey hadaladii Xildhibaanka khusuusana, dalabkii uu ujeediyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaanyo),in uu iska casilo xilka uu umada u hayo maadaama goldolooyin badani jiraan, waxaana dadku aad faaleeyeen weedhihii ay kamid ahaayeen Tusaale uu usoo qaatey in Odayaal kasoo jeeda Gobolka Awdal oo Madaxweynaha tabasho ugu yimid loo saarey islamarakaana, gudi looga dhigay xubno katirsan Golaha Wasiirada oo ay wax ka tabanayeen haseyeeshee, hadalka ay Xukuumada ku noqdey laf dhuun gashey ayaa ahaa.
“Odeygu nin wanaagsan buu ahaa ee waxbaa helay wax helayba wuxuuna maanta u muuqdaa qalin khadkii ka dhamaaday qalinka khadku dhamaadana waa la iska tuuraa,tuurid uma quudhnee waa oday soo halgamee Xanaanuu u baahan yahey,oo aan meel fadhiisino oo iska naso nidhaa oo Pention siino oo layidhaa intaana ku noolow sadexadaa Gaadhina iska wado qoladan sida maqaarkii ku wadana waar hadaad Axmedkaagii tahey iska diidoo, iska tag meesha Iskaga tag oo casil dantaadu taas bay kujirtaa cimri kuuma hadhin khaatumadaada kheyr ku dhameyso ayaan ku leeyahay”Ayuu yidhi Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye.
Sikastaba ha ahaatee, weedhaha Xildhibaan Cali Aaareye ku dhaliilay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,iyo Madaxweynaha ayaa noqonaya kuwii adkaa ee nooceeda ah oo lagu dhaliilo,waxaana Xukuumadu ilaa maalintaa ilaa maanta abaabuleysaa jawaabta Xildhibaan Aareeye, iyadoo dhinac walba ula carartey islamarkaana, soo abaabushey dad beeshiisa ah oo Masaakiin ah iyo Shakhsiyaad aan la meeqaam aheyn, sida Wasiir Kuxigeenka Cadaalada oo ah isagu shakhsiyad ku cusub saaxada Siyaasada, maadaama Cali Aareeye hore uga soo mid noqdey Wasiiradii kasoo jeeday Beeshiisa ee xiligii Xukuumadii Marxuum Cigaal ahna siyaasi codkar ah oo hadaladiisu adag yihiin.
source: Hadhwanaagnews