Xaaji Cabdikariin (Cabi Waraabe) Muxuu Ka Yidhi Qoxootiga Yemen Ee Berbera Soo Gaadhay Iyo Muddo Kordhin Xukuumadda Loo Sameeyo?

0
46

Hargeysa(Hubaal) Xaaji Cabdirariin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo Maanta warbaahinta Qaar Ka mida Warbaahinta  kula hadlay Gurga uu ka dagan yahay magaalada Hargaysa ayaa ka hadlay qodabo Dhawr ah oo ay ka mid yihiin Qaxootiga ka soo qaxaya Dalka Yemen ee Horaantoodii dalka timi iyo Mudo kordhin loo samaynayo xukuumada.

AbdiWaraabeHarXaaji Cabdi waraabe ayaa soo dhaweeyey mudo kordhin loo sameeyo xukuumada waxaanu sheegay in xisbiyada qaranka iyo Xukuumadu isla qaateen mudo kordhin balse la sugayo in laysla meel dhigo mudada la kordhinayo inta ay noqonayso” Nabad galyada waa la wada ilaalinayaa Korodhsiimada sadexda Xisbi ba waa ku heshiiyeen  qadarka ay noqonayso ayuun baa hadhay qadarkaasna waxa loo soo gudbinaya Guurtida sidii ay ahaan jirtay oo waxa soo gudbinaya Xukuumada iyo Komishanka wada tashi baa lagu dhamaynayaa wali waxba nama soo gaadhin walina waxba lama soo qorin kordhsiimo iyada oo udhacday laakiin inta ay noqonayso in laga wada tashado oo raali gala wada noqdo .”

Waxa uu sidoo kale Xaaji cabdi waraabe ka hadlay dagaalka ka socda dalka yemen iyo qaxooti horaantoodii ay yimaadeen magaalada Berbera ee Gobalka Saaxil waxaanu Xukuumada ugu baaqay in la soo dhaweeyo qaxootigaasi dalka soo gaadhay oo loo sameeyo meelihii la dajin lahaa “ dagaalka ka socda Yemen inagama Foga waa mid aynu wax ku leenahay  waa wadada kaliya ee wax inoo soo marayeen hadii dhibaato ina gaadhana dalalka ina caawiya ayey ka mid ahayd halkaas waxa aan u arakaa wax alaale wixii inagala gudban waa inaynu wax ka qabanaa qaxootigaa ina soo galayna waa inayni wax uqabanaa taageen arin iyo  aduunba waa inaynu wax uqabanaa wixii aynu ka qaban karno   Madaarkeena oo diyaarado sucuudigu madax uyahay fadhiistaan Qaxootiga oo meel loo sameeyo wax alle waxa aynu arin iyo aduun leenahay Waa inay nu wax kala qabano “

Xaaji cabdi waxa kale oo uu ka jawaabay su,aal kale oo aanu wax kaga waydiinay doorashooyinka oo ahayd hadii aan Asbaabtii doorashada dib loogu dhigi jiray ee dastuuriga ahayd sida Abaaro Dhul gariir iyo Masiibooyin dabiiciya iyo wixii la mid ahi taagnayn Sidee ayey ku suurto galaysaa mudo kordhinta xukuumadu doonaysaa? Waxa uu ku jawaabay “ Muslax baa la yidhaahda Mudo kordhinta la samaynayo oo ilaahay baa baneeyey kordhsiimada dastuurkeenuna waa banaynayaa Diinta maxamadiyana way banaynaysaa intii la doonana waa loogu Dari karaa hore na waa loo kordhiyey madawaxyne yaashii hore iyo wakiilada gudoomiyahoodan ba waa loo kordhiyey Muslax baa la yidhaahdaa oo waa la kordhnayaa”

Gabo gabadii xaaji cabdi waxa uu sheegay in Mudo kordhintu ay ka dhalatay Golayaasha balse aanay ahayn mid guurtidu dabada ka riixayso “ Xisbiyada ayey ka dhalatay dib udhigu iyo komishanku anaga waxba nama soo gaadhin haday na soo gaadho hadaanu dib udhigno markaas ayaanu eeda yeelan lahayn ceebna maaha dib udhacu ama qolada deeqda ina siisa yey dib ugadhici kartaa ama taraagyadeena ayey dib uga dhici kartaa”

source:hadhwanaagnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here