War Deg-Deg ah:- Weerar Culus Oo Alshabaab Ku Qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya + Khasaare Balaadhan Oo ay Geysteen

0
32

Muqdisho (Hubaal) Rasaas culus iyo qaraxyo ayaa lagu weeraray dhismaha madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Dablayda weerarka qaadday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka al-Shabab.

Warar hordhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya ilaa 7 qof inay dhinteen oo u badan askarta dawladda iyo dablayda weerarka soo qadaday.

Af-hayeenka dawladda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa VOA u sheegay inay bad-qabaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirrada.

vila somalia

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in weerarku uu ku bilowday kadib markii baabuur ay la socdaan dablaydu uu isku dayey inuu xoog ku galo madaxtooyada kadibna ay hor istaageen ciidamada.

Daqiiqado kadib ayaa la sheegay inuu is qarxiyey mid ka mid ah dadblayda la socotay babauurka, waxaana xigay ciidamo lugta ku sucoda oo weerar kusoo qaaday dhismaha madaxtooyada.

Wararku waxay sheegayaan in laba ka mid ah dablayda weerarka soo qaadday lagu dilay balse ay weli ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka maqnaa Vila Somaliya xilligii uu weerarku dhacayey waxaana la sheegay in afur ku lahaa Dugsiga Xalane ee garoonka diyaaradaha ee Muqdishu.

Weerarka xooggiisa ayaa la sheegay inuu ka dhacay albaabka weyn ee madaxtooyada waxana uu ku bilowday muran dhexmaray baabuurka ay la socdeen dablayda al-Shabab iyo ciidamada ilaalada madaxtooyada.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here