Hargeysa(Hubaal) -Madaxdhaqameed,Siyaasiyiin, iyo Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Garxajis iyo Habar Awal ayaa habeenkii xalay ahaa Hotel Maansoor ku yeeshay Kulan looga gol lahaa sidii taageero buuxda loogu muujin lahaa lada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID.
Ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Beelahan balse sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamida xubnaha ka qayb galaayey shirka ayaa noo sheegay in muhiimada kulanku ay daarnayd sidii loo xoojin lahaa in xisbiyada Mucaaradka lagu taagero in aanay Doorasada Aqalka Madaxtooyada Somaliland aanay wakhtigeedii dib uga dhicin,Sida oo kalena ay cadaadis siyaasadeed Xukuumada ugu saari lahaayeen in ay wax ka qabato arrimaha siyaasadeed ee maalmihii u danbaysay uu dalku ku jiray.
Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen ayaa waxaa ay wararku ay intaasi ku darayaan in ay dhamaanba Xubnihii ka soo qayb galay oo si aada uga dayrnayey xaalada uu maanta dalku ku sugan yahay ayaa dhamaantoodba muujiyey sida ay uga go’an tahay in aanay doonayn in xukuumada hada talada dalka haysa anay ka sii talin doorashada kadib isla mar ahaantaana ay iska kaashanayaan sidii ay culays siyaasadeed ugu abuuri lahaayeen dhanka xukuumada uu gadhawadeenka ka yahay Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo).
Ugu danbayntii wararka aanu ka helayno dhinaca kulankan ay xalay beeluhu sida wada jirka ah ay u yeesheen ayaa sheegaya in wakhti kale loo balamay in laysagu yimaado shir kan ka balaadhan si looga tashado xaalada uu dalku maraayo iyo sidii wax looga qaban lahaa baylahda kala duwan ee ku habsatay siyaadaii arrimaha dibada iyo tii gudahaba.