HUBAAL TV Ka Daawo: “Waxay Ahayd In Black List la Qoro oo wixii NSS-tii u Shaqeeyay ee Waaweynaa inay halkan shaqo ka qabtaan may ahaynba” Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi
Hargeysa (Hubaal) Engineer Maxamed Xaashi Cilmi oo xalay lagu soo marti qaaday xaflad ay dhalinyarada Habar Awal ku qabsadeen hotel Crown ee magaaladda Hargeysa ayaa ka waramay sharciga iyo nidaamka ay xukuumadda Siilaanyo dalka ku maamulayso. Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu ka hadlay sida xukuumadan maanta joogtaa ay wax u waddo, waxaana uu ku tilmaamay in haba yaraatee xukuumaddani aanay dalka ka samatabixin karayn halka uu maanta marayo, waxaana uu xusay in dalkan maanta dadkii u soo dagaalamay ay hoos joogaan wali kuwii ay ka xoreysteen.
“Waxay Ahayd In Black List la Qoro oo wixii NSS-tii u Shaqeeyay ee Waaweynaa inay halkan shaqo ka qabtaan may ahaynba” Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi