“Waxaan Filayaa Hadalkii Samaale Inay Xaal Ka Bixiyaan Ragii Igaga Haboonaa,Laakiin”

0
25

Hargeysa (Hubaal)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, ayaa ku baaqay in Madaxweyne Siilaanyo la fadhiisto xisbiyadda Mucaaridka ah, isla markaana talo loo dhan yahay iyo go’aan lagu midaysan yahay lagu cayimo maalinta doorashadda.

BuurtaBoqor Cismaan oo daba socday dhawaaqi shalay ee Komishinka doorashooyinku ku mudeeyay diiwaangelinta codbixiyayaasha, isla markaana la hadlay Wargeyska Ogaal oo xog waraysi kala yeeshay arrinta iyo qodobo kale, wuxuu sheegay in muddada uu komishanku ku dhawaaqay ay ka dhigantahay in muddo kordhin iskeed ahi timi, loona baahan yahay in talo qaran lagu waajaho wixii dhiman.

Boqor Buurmadow oo ka hadlaya aragtidiisa ku wajahan xaalada wuxuu yidhi;“Maantoo kale qofka hadlayaa waxa loo baahan yahay, inuu bixiyo talo oday oo dhaxal gal ah, oo wax ka tarta xaalada aynu ku jirno. Markaa midi meeshay ka baxday oo kalmadii mucaaridka ee ahayd 26-june haday dhici waydo, hadidaad ahaato ama caddaadis ahaatee taasi meesha way ka baxday. Waxaan ka saaray hadalkii komishanka ee shalay oo ahaa in aanay 26 june doorasho dhacaynin. Markaa taasi waxa weeye in ay candhuuftooda dib uga liqaan hadaladii tagtaagnaa mucaaridku, arrinkana daganaansho ay ku qaabilaan. Xukuumaduna waa inay ku fikirtaa masuuliyadu cidday saaran tahay inay iyaga tahay, cida ku ceeboobaysa hadii dalka dhibaato ka dhacdan ay iyaga tahay. Madaxweynaha iyo xukuumadiisaba waxa laga rabaa, in aanay guurtina waxba u qorin una gudbin, Guurtiduna aanay waxba iskaga dhawaaqin, Waa in Madaxweynuhu gogol dhiggaa, xisbiyadda mucaaridka iyo Madaxweynuhu wadda fadhiistaan, halkaana uu ka soo baxaa go’aan lagu midaysan yahay oo ay doorashadda waqtigeeda ku cayimaan, waqti ay isla ogolyihiina ay u gudbiyaan Komishanka. Maadaama muddo kordhintii aan anigu hore uga hadlay iskeed u timi, komishankuna meel uu ka dhaafo aanu haynin, waqti inaga lumana aan loo baahnayn. Mudadaa ay qabteen komishanku wax dheer lix bilood oo xeerka ku taala oo la ansixiyay. Waxaan qabaa labadii sanno ee aan sheegay inay iskeed u timi, laakiin kolay hadda way ka yartahay, wayse dhadhawaynaysaa. Hase-yeeshee muhiimada aan ka hadlaya waxa weeye, maanta arrin beeleed way dhaaftay ee arrin talo qaran ah weeye, xisbiyada mucaaridka ahina in maanta waqti ka lumo uma baahna, xukuumadana in dalka qas ka dhaco dani uguma jirto ee inay wanaag tartan ku gasho ayay dani ugu jirtaa. Markaa waa in xukuumadu gogol dhigto oo xisbiyada u yeedho oo talo qaran la gaadho, waxay isku waafaqsan yihiinna Guurtida loo gudbiyo.”

Boqor Buurmadow wuxuu marar badan oo hore waraysiyo uu warbaahinta siiyay ku weeraray Wasiiro xukuumada ka tirsan, balse wuxuu dhowrka jeerba gaar dhaliilo ugu jeediyay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale. Haatan Samaale wuu iscasilay oo kama tirsanna xukuumada, sidaa darteed wuxuu Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay Boqor Buurmadow ujeedadii uu u weerari jiray iyo aragtidiisa haatan, wuxuu ku jawaabay Boqor Cismaan.“Samaale rag saaxiib ah ayaanu ahayn, in aan dhaliilayna way jirtay, dhaliishayduna ma ahayn in xilka laga qaado, laakiin inay wax saxmaan uunbay ahayd, waliba waxaan ku sheegayaa intii aan xilka laga qaadina waanu isa-saamaxnay, waan is aragna. Markii danbana isaga telefoon kumaan helin laakiin raggii ku dhadhawaa waan la hadlay oo waxaan ku idhi, wasaaraddaa loo bedelay inuu qaato ayaan anigu soo dhawaynayaa, waxaanan qabaa qofku markuu meel muhiim ah hayo waxna wuu khaldi kara waxna wuu sixi karaa. Balse waxaan ogahay Madaxweynaha iyo xukuumaduna, Samaale waa nin karti badan oo way u baahan yihiin. Samaalena waa nin damac siyaasadeed leh oo doonaya inuu xisbiga ka dhex tartamo, oo wuu u baahan yahay xukuumadda, waxaanan is leeyahay way u fiicantay inuu ka nasto xil, oo isagoo baraxan uu tartamo, isaga sidan ayaa u turxaan yar.

Hadalkii maalintii dhawayd ee khudbadii samaale ka jeediyay xil wareejinta, runtii si fiican buu u tiriyay, laakiin waxaan u arkayay inay aanay munaasib ahayn hadalkii qisadii nebi yuusuf, intaa wax baa laga tirsaday, waxaana loo arkay hadal aan ku haboonayn meesha, waxaanse filayaa xidhiidhkii wanaagsanaa ee samaale iyo madaxtooyada intaasi in aanay waxba u dhimi doonin. Laakiin waxaan filayay inay xaal ka bixiyaan raggii igaga haboonaa arrinkaasi, markaa maadaama aan maanta anigu ka hadlayo, in aan arrinkaa anigu gacanta mariyo oo raali gelin ka bixiyo.”

Boqor Cismaan la waydiiyay cida uu ka raaligalinayo hadalkii Cabdicasiis Samaale, wuxuu ku jawaabay;……..La soco cadadka dambe ee beri iyo wargeyska ogaal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here