“Sheekh Samaale waxaan leeyahay, Nin Weyn Oo Hadal Ka Dhacay, Waa Geed Qolofi Ka Dhacday”

0
80

Soomaalidaa ku maah maahda  afkaan doog ku  cunay caws ku daaqi mayo. Inkasta oo  ay jawaabta jaahilku tahay aamusnaanta, haddana way ka maarmiwayday in la iska tumo camadhka.

Aniga oo tixraacaya hadaladii uu wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada Md: sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale ka jeediyay munaasibadii  balaadhnayd ee uu xilkii wasaarada maaliyada ugu wareejinaayey wasiirka cusub ee wasaarada maaliyada Marwo:Samsam Cabdi Aadan ayaa nuxurkeedu ku soo aroorayay qisas  badan oo diiniya,qisaskaas oo nuxurkoodu lidi ku ahaayeen arinka xilwareejinta iyo ujeedada uu kalahaa.

XAMSE JIIDALIIsaga oo wasiir Samaale ku aflagaadeeyay qoyska madaxwaynaha gar ahaan marwadiisa Aamin Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina Waris) taas oo ay ku cadayd qisada uu soo qaatay oo macnaheedu ahaa   nabi Yuusuf (CS) oo ay quruxdiisii gabadhi xumaan la jeclaatay .  Hadaba Nabi Yuusuf (CS) isagoo ilaahay siiyay aqoon iyo iimaan dhamaystiran oo uu iskaga difaaco fusuq kasta iyo xumaan kasta oo   ka hor timaada ayaa waxa jeclaatay tuu gurigeeda joogay, nafteeda ayay u jeclaatay waxay xidhatay albaabadii oo dhan waxayna tiri waa ku kaa, wuxuu yidhi illaahay ayaan ka magan galay, illaahay waa rabigii I wanaajiyay meesha aan degayo mana liibanan kuwa dulmi falayaasha ah”

Haddaba akhristayaal marka aynu falan qayno miyaynaan odhankarin mudane sheekh samaale wuxuu isku massaalay nabi yuusuf isaga oo iska dhigaya ninkii ladamcay ee kursigiisii lagu soodoontay sidii uu isagu lahaa xilka qaranka  ee ka dhexeeya dhamaan muwaadiniinta jamhuuriyada soomaaliland ,  marwada madaxwaynahana uu ku masaalayo  gabadhii damacday ee boqorku qabay,  madaxwaynuhuna inuu yahay ninkeedii xadhiga utaxaabay (yacni xilka ka wareejiyay una wareejiyay wasaaradkale, balse isagu iska casilay),  macna ahaana isaga oo uga gol leh marwadaa I wanjashay sidii ay wax dhaxmareen,(malaha sheekhu wuxuu hilmaanay inaan nabi yuusuf (CS) aan wasaarad loo loobadaline xabsiga la dhigay),taasina miyaanay fadeexad ku ahayn dhaqankeena wacan ee ku salaysan diinta islaamka iyo sharciga dalka uyaalaba, isaga oo haantan iyo horeba usoo ahaa wadaad iyo masuul qaran kana wara qabay anshaxa maamuuska madaxwaynaha iyo qoyskiisa. Isaga oo aan marnaba tix galinin wanaagii iyo waxyaabihii uu uqabtay madaxwaynuhu oo uu wali hankiisana, magaciisa, iyo waliba taariikhdiisa uu kor usooqaaday mudane: Axmad Siilaanyo.

Waxa aan raali galin iyo xaal kasiinayaa inta marwada dhaxalkeeda,dhaqmaadkeeda, iyo dhiigeeda leh Illaahay ka sokow. taas oo aynaan horaysa iya danbaysatoona dhaqan  ugu lahaan jirin inaad wax kasheegto inantiina  oo cid kale udhaxday, ciday udhaxday iyo guud ahaanba dumarka.

Dhinaca kalena wasiir samaale waxa uu hadalkiisii kuxusay inuu xisbul xaakimka dagaal ku qaadi doono dhixdiisa isaga oo doonaya inuu xisbiga sidii caadada u ahayd mucaariddad ka dhex shido iyada oo ay inagu soo dhawdahay wakhti xaasaasiya oo doorasho loo diyaargaroobayo, isaga oo xaga kalana kaga hawlan inuu xukuumada dagaal iyadana lagalo oo uu kaambayn ugu jiro sidii ay masuuliyiin kale isku casililahaayee xukuumadana uu ugu wiiqilahaa,waxaanu inoo cadeeyay in sidii uu maxadwaynuhu ugu lisay aanu ugu hanbaynin, taasi oo aynu ognahay gud ahaan cadawga soomaaliland tahayna in aynu soomaaliland ahaan gacmaha isqabsano mucaarid iyo muxaafidba .

Guntii iyo gabagabdii waxaan leeyahay malaha sheekhu wuxuu iloobay ducadii nabiga ee ahayd “ ALLAAHUMA INII AS’ALUKA AL ABNU WAL  IIMAAN” ee nabigeenii suubanaa scw uu abniga ka horaysiiyay diinta iyo iimaankaba, hadaba waxaan leeyahay md: sheekh aynu diinta dib ugu laabano oo aynu kawada shaqayno nabadgalyada iyo horumarka dalka.

ALLAA                                        MAHAD                                 LEH

 

QALINKII:      XAMSE XASSAN C/RHMAN

PHONE:         063-4488784

EMAIL:           xamse_xxc@hotmail.co.uk

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here