“Waxaan u rajaynayaa Madaxwaynaha dalku inuu noqdo kii dalkan u horseeda Barwaaqo, Horumar Iyo Ictiraaf laga helo beesha caalamka” Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale
Hargeysa (Hubaal):- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md.Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay inuu u mahad-naqayo dadkii ka qayb-qaatay tanaasulka uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uga tanaasulay Musharaxnimadda Xisbiga KULMIYE Madaxweynaha Somaliland Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo)
Wasiir Samaale waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bogga uu ku leeyahay barta ay Bulshaddu ku wadda-xidhiidho ee Facebook, waxaana uu qoraalkiisaasi, waxaanu yidhi “Waa wax ILAAHAY loogu mahadiyo waxay Somaliland ku soo Caano maashay isu-Tanaasul iyo wadda Tashi taas oo ugu dambayntii sababtay in Gudoomiye Muuse uu aqbalay Talooyinkii umadda reer Somaliland u soo jeediyeen oo u u Tanaasulay In Madaxwaynahu noqdo Musharaxa Xisbiga Taladda Dalka haya ee Kulmiye Shanta sano ee soo socda.
Waxaan u Mahadcelinayaa dhamaan dadkii ka qayb-qaatay dhamaystirka arinkan waxaanan u rajaynayaa Madaxwaynaha dalku inuu noqdo kii dalkan u horseeda Barwaaqo. Horumar. Iyo Ictiraaf laga helo beesha caalamka” ,