Qoysas Ilmo-yar Isku Qabsaday Iyo Sidii Loo Kala Saaray?

0
38

Gaalkacayo, Somaliya, , (Hubaal) – Laba qoys oo Soomaali ah oo wadda degan magaaladda Gaalkacayo ayaa Ilmo-yar isku qabtay, iyaddoo labada qoys midkood xoog ku afd-uubtay. Balse, arrintaas waxaa ka garnaday Maxkamad Ethiopia ah oo kaashatay dhakhaatiir heer sare ah oo kala saaray laba Aabo oo mid waliba sheeganayay Ilmaha-yar. qoysasa ilmo isku qabsaday Warbixin arrintan la xidhiidha oo aanu ka soo xiganay Ileys waxaa ay u qorantahay sidan: “Goor galab ah, taariikhdu markay ahayd 28/1/2013 ayaa dabley hubeysani waxay soo weerartay guri ku yaala xaafada Garsoor ee magaalada Galkacyo, kadibna waxay xoog ku kaxaysteen wiil yar oo afar sano jiray.  Dablaydani markii ay wiilka afduubayeen waxay jidh dil u geystaan hooyadii wiilka dhashay oo lagu magacaabo Deeqa Cumar Maxamed. “Gidaarka guriga ay niman hubaysani ka soo daateen, kadibna wiilkii ayaa mid ka mid ahi gacanta ku dhigay, waanan ka daba booday oo wiilkii ku qabsaday, laakiin dhirbaaxo iyo hantaatuqeyn ayay iigu jawaabeen.” Ayay tidhi hooyadaasi. Dablaydii waxay la baxsadeen wiilkii oo meel ay la tageen la waayay muddo. Intaa kadib wiilka waalidkiis waxay isku dayeen in ay aqoonsadaan haybta dablayda. Waxaana u cadaadatay in ay yihiin jifooyinka  Galkacyo degan mid ka mid. Eheladii wiilka la dhacay, waxay ergo ugu tageen odayaashii iyo waxgaradkii dableyda. Odayaashii qolada wiilka dhacday oo ergooyin is daba joog ahi dhowr gogolood kaga codsatay in ay wiilka dib gacantooda ugu soo celiyaan, wixii ay dood qabaana ay shareecada islaamka ku kala baxaan, ayaa isku dayey in ay wiilka ka soo celiyaan dableydii afduubay. Laakiin kuma aanay guuleysan. Eheladii wiilka la afdhuubay waxay warar hoose ku heleen in wiilka lagu hayo deegaanka Somalida Ethiopia ka mid ah, gaar ahaan agaarka degmada Bookh. Ehelkii wiilka la afduubay waxay dacwad geeyeen degmada Bookh ee ismaamulka Soomalida ee Ethiopia. Halkaas oo maxkamadu ay kiiska ka furtay. Maxkamada Degmada Bookh waxay amartay in wiilka iyo cidii afduubka ku haysatay ay yimaadaan Maxkamada horteeda, halkaasna ay ka sheegtaan wixii dacwad ay qabaan. Booliska degmada bookh iyo maxkamada oo wadashaqaynayna waxay ku guuleysteen in ay wiilkii iyo cidii haysatay maxkamada horkeenaan. Waxaana furantay dacwadakii maxkamada waxayna sheegteen qoladii wiilka afduubtay in ay wiilka iyagu dhaleen sidaa darteedna ay u afduubteen. Qoladii kale ee wiilka laga dhacayna waxay sheegatay in ay ayagu dhaleen. Intaa kadib, markii maxkamadu ay dhagaysatay doodaha labada dhinac, markii ay aragtay cadaymaha, waxay go’aansatayay in dhaar lagu kala saaro labada qolo ee wiilka isku haysta. Labadii qolaba waxay dhaar ku mareen in ay wiilkaas iyagu ay dhaleen oo qolada kalena ay been ku dhaaratay. Arintu markay halkaas marayso. Maxkamadu waxay u baahatay in ay cadaymo dheeraad ah hesho, si ay dadkaas u kala saarto, oo arrintaasna xal waara loogu helo. Maxkamaddii waxay la tashatay dawlada dhexe ee Ethoiopia,dawlad deegaanka Soomaalida iyo maxkamadaha ka sareeya. Waxayna go’aansadeen in DNA Lagu kala saaro. DNA muxuu yahay? DNA waxaa loo soo gaabiyaa Hidasidayaasha shaygu ka soo farcamay haddii aynu si kale u dhigno, waa walax ama shayga uu ka samaysanyahay bu’da shay waliba. Shay kasta wuxuu leeyahay unkan ama meel uu unuga ugu yar jidhka bini-aadamku uu ka soo unkamay. Sida wax kasta oo nool, sida geedaha, xayawaan ama dadka. Qofkasta jidhkiisu 50% wuxuu ka yimid aabihii, 50% kalena hooyadiis. Sidaa darteed, 50% jidhkaaga ka mid ah waxaad kala mid tahay aabahaa ama hooyadaa. Sida indhahaaga sida ay u ekaanayaan, timahaaga midabka ay yeelan doonaan iwm. Maxkamadii degmada Bookh waxay u ugudbisay labadii aabe iyo wiilkii Maxkamada Doolo ee degmada Wardheer. Markii ay Maxkamada Wardheer akhriday faylkii ayay gudagashay arrintii DNA-da. Halkan ayaa waxaa yimid dhakhtar, kaasoo ka tagay Addis ababa, oo diyaaraddi ka qaaday, iyaddoo diyaaradaasna ay kharashkeeda bixisay Hay’ada MSF xafiiskeeda Wardheer oo ay arintaa Maxkamadu ka codsatay. Maxkamadii waxay meel fagaare ah kaga qaaday dhiig labadii nin ee wiilka isku haystay iyo wiilkii. Waxaa kaloo goob joog ka ahaa meshaas dhiiga lagu qaaday dhamaan hay’adaha dawlada, kuwa amniga, ciidanka, booliska, Gudoomiyaha Gobolka, iyo dhamaan garsoorka maxkamada Gobolka Doolo. Waxaa intaa dheer in Maxkamada Ethiopia ay ka saxeexday nabadoonada labada aabe iyo jifiyahooda in wixii ka soo baxa baadhiitaanka dhiiga cid waliba ay ku qanci doonto cidii guulaysta iyo cidii wax wayda intaba. Dhiigii laga qaaday labadii nin iyo wiilkii waxaa loo qaaday Caasimada Ethiopia ee Addis Ababa. Dhakhaatiirtii dhiiga qaaday waxay sheegeen inay jawaabta ku keeni doonaan 18 cisho gudahood……la soco

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here