Wasiirka Beeraha Iyo Badhasaabka Hargeysa Oo Dhaliilo Culus Dusha Ka Saaray Maayirrada Magaalooyinka

0
35

Cabashadii Badhasaabka Maroodi-jeex, jawaabta Guddoomiyaha Awdal iyo baaqa Wasiirka Beeraha Somaliland

“Dhulkii loogu talogalay dugsiyada waxbarasho, cusbitaallada, dhulkii loogu talogalay in carruurtu ku ciyaarto waxa uu ku jiraa caloosha maayirrada, waana in wax laga qabto” Wasiirka Beeraha

“Haddii ciddii sharciga fulinaysay tahay xukuumadda, kadibna xukuumaddii cabato waa arrin ayaan-darro ah, waana xilkeennii oo aynu ka soo bixi waynay, iyadoo taasina…” Badhasaabka Awdal

Wasiir-BeerahaHargeysa (Hubaal)- Wasiirka Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Aw Daahir iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Maxamuud Jeeni-yare, ayaa ku eedeeyey maayirrada magaalooyinka dalka inay qayb ka yihiin khilaafyada arrimaha dhulka la xidhiidha.

Wasiirka Beeraha Md. Maxamed Aw Daahir oo hadal ka jeediyey shir arrimaha dhulka lagaga hadlay oo Burco ka furmay shalay, waxa uu sheegay in dhulkii danta guud ku jiro caloosha maayiradda, isagoo ku baaqay in arrintaas wax laga qabto.

“Dawladaha hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud waxay isku haystaan magaalooyinka, isku haysashadaasina inta badan meel ayey ka timaad ee waxaan idin weydiiyey yaa xukuma maayirrada oo sharciga ku soo dabbaalaya? Dhulka magaalooyinku ku fidaan ee la naqshadeeyo 30% waxa loogu talogalay dan guud, iyadoo aan dan guudna loo celin karin dan gaar ahaaneed. Magaalooyinkeenna halkee ayaa maanta dan guud u bannaan tahay, dhulkii loogu talogalay dugsiyada waxbarasho, dhulkii loogu talogalay cusbitaalada, dhulka loogu talogalay in dadka waaweyn ku lugo-baxsadaan, dhulkii loogu talogalay in carruurtu ku ciyaarto waxa uu ku jiraa caloosha maayiradda, waana in wax laga qabto,” ayuu yidhi Md. Maxamed Aw Daahir.

Waxa kaloo uu dhaliilay in hay’adaha kala duwan ee dawladdu aanay ku dhaqmin xeerarka dalka, waxaannu yidhi; “Waxa aynu nahay dad muslim ah, iyadoo diinteennu inoo sheegtay in xalaashu caddahay, xaaraantuna caddahay, laakiin dhexdooda madmadow ku jiro {mushabihaad}, waxaanad mooddaa in aynu galgalanayno madmadowgaas dhexdooda. Taas maxaan uga jeedaa? Hay’ad aan lahayn xeer ma jirto, laakiin waxa jira xeer ka bood iyo xeer fulin la’aan, marka ay taasi timaadna wax hagaagayaa ma jiro. Nin baa yidhi; ‘dabkii hadduu dhaxmoodo maxaa lagu daweeyaa? Waxa aad mooddaa in hay’adahii dawladda oo dhan cabanayeen oo ay calaacalayeen. Yaa laga calaacalayaa? Waxa loo baahan yahay in hay’adaha dawladdu ku dhiirradaan oo fuliyaan, si sharci iyo xaq ahna wax u fuliyaan.”

“Dhibaatada ina haysataa waxa weeye cid walba ama hay’ad dawleed oo kasta sharcigu wax ayuu u qayday, una xadeeyey. Tusaale ahaan; haddii aan ahay Wasaaradda Beeraha sharcigu xad ayuu ii ogol yahay in aan sharciyeyn karo, wuxuuna ii ogol yahay dhul gaar ah in aan sharciyeyn karo, laakiin maaha, mana bannaana in aan saxeexo wixii la i soo hordhigaba….dhibaatooyinka ina haysta waxa keenaya garsoorka oo innaga xun iyo fulinta oo innaga xun, illryn balaayo afka lagama dhawree,” ayuu yidhi Wasiirka Beeraha.

Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Maxamuud Jeeni-yare oo isna shirkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ganacsatada iyo qurba-jooggu qayb ka yihiin dhibaatooyinka dhulka, isagoo sidoo kale si dadban u dhaliilay shaqada maayirrada magaalooyinka dalka.

“Dhibaato jirta oo ah dhulka ayaa la isugu keen yeedhay, shisheeyana inooma iman ee dhulkeenna waxa kala boobaynaa waa innaga, haddii aannu dawladda nahayna waxa aannu khaatiyaan ka joognaa nin ku habsanaya meel bannaan oo dhul ah. Waxa la ootay meeshii bannaanayd ee neefka xoolaha ah daaqi lahaa oo nin qudha ayaa ku habsanaya, dadkaasna cid ayaa u sharciyeynaysa. Waa ayo cidda dhulkaas u sharciyeynaysaa? Imminka maayirradii iigama muuqdaan shirka, illeyn waxa la innaga doonayaa in aynu hoos ugu degno dhibaatada jirtee. Bal ninka dhulka Ilaahay ku habsaday yaa u sameeyey warqada sharciyeynta? Meeye maayarradii? Maxay badhasaabadu uga hadli waayeen arrintaas?

Ninka boobay dhulka Ilaahay waxa soo raacaya oo taageero siinaya madax-dhaqameedka, iyagoo daba socda ayaad arkaysaa oo leh; ‘haddii aannu reer hebel nahay waannu taageersanahay.’ Ganacsatada iyo qurba-joogga ayaa iyaguna qayb ka ah dhibaatada dhulka. Ma cid kale ayaa innagu soo duushay? Qofka dhulka qabsaday waxa lacag la daba cararaya ganacsatada iyo qurba-joogga,” ayuu yidhi Badhasaabka Hargeysa.

Waxa uu intaa ku daray, “Meel walba waxa lala ordayaa juwan ama warqad sharciyeyn ah oo aannu khaatiyaan ka joognaa, sidee ayey markaas dawladdu wax u qaban karaysaa, cashuurtii ummadduna way ku baaba’day meesha. Dhibaatada ugu badan ee dalkeenna ka jirta maanta waa arrimaha dhulka, haddii aynaan si degdeg ah wax uga qabanna sii jiri mayso nabadgelyadeennu. Nin ayaa dhul Ilaahay ku habsaday, kadibna $500 kun oo dollar ayaa la dul dhigayaa oo gacanasato ama qurba-jooggu ku iibsanayaan, markaa sidee ayaa wax looga qaban karaa?”

Haseyeeshee, Badhasaabka Gobolka Awdal Md. Maxamuud Cali Saleebaan, ayaa dhalliilay in masuuliyiinta dawladda oo awoodda fulinta leh ay cabashooyin muujiyaan, laakiin looga fadhiyo inay ku dhaqmaan awoodaha dastuurka iyo shuruucda dalku u waajibiyeen.

“Waxa loo baahan yahay in madaxdeennu akhrido dastuurka iyo shuruucda dalka oo inagoo ah ciddii laga filayey inay wax fuliyaan waa nasiib-darro haddii aynu cabano. Haddii ay wasiir tahay iyo guddoomiye gobolba ma qurux badna in aynu cabano. Dastuurka dalku waxa uu qorayaa meel buur ah cid ma yeelan karto, waxana leh dawladda ama ummadda, dhulka dooxyada ah, jeexjeexyada iyo meelo kaleba cid ma sheegan karto, markaa haddii ciddii sharciga fulinaysay tahay xukuumadda, kadibna xukuumaddii cabato waa arrin ayaan-darro iyo nasiib-darro ah, waana xilkeennii oo aynu ka soo bixi waynay, iyadoo taasina sii kordhinaysa dhibaatadii jirtay ee dhulka,” ayuu yidhi Ramaax.

Waxa kaloo Badhasaabka Awdal ku baaqay in masuuliyiinta dawladdu hantaan xilkooda iyo waajibaadka dastuurka iyo shuruucda dalku u jideeyeen, waxaannu yidhi; “Nidaam iyo dastuur ayeynu leenahay, sharci ayeynu leenahay, waxaanan leeyahay haddii aynu nahay masuuliyiinta dawladda waxa loo baahan yahay in aynu hanano masuuliyadaha aynu lahayn, taasina waa sida qudha ee wax innoogu saxmayaan, iyadoo ay tahay kolba cida xilka ummadda haysaa inay hanato xilka iyo masuuliyada ay leeyihiin oo aan cidna lagaga habran haddii ay beel tahay, qof iyo lacagtoona oo aynu qabsano shaqadeenna.”

source:jamhuuriya

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here