Muqdisho(Hubaal) -Qarax xooggan ayaa gilglilay Hotel ku yaala badhtamaha Muqdisho. Wararka hor dhaca ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 qof ku dhimatay weerarka, halka tiro intaas ka badan oo kale ku dhaawacantay.
Weerarka lagu qaaday Hotelka Bonoodo, oo ku dhaw Hotel Central oo bishii February qarax lala beegsaday, ayaa loo adeegsaday Gaadhi waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay.
Wali ma jirto cid sheegatay weerarka Hotelka, balse weerarada noocan ah ayaa inta badan waxaa fulisa kooxda Al-shabaab.
Weerarka Bishii February lagu qaaday Hotel Central waxaa ku dhintay 25 qof oo ay ku jiraan mudaneyaal Baarlamaan.