Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo La Sheegay Inuu La Kulmay Dublamaasiyiin Uu Ku Jiro Ku Xigeenka Xoghayaha Qaramadda Midoobay

0
22

Newyork, Maraykanka (Hubaal)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay magaaladda Newyor ee cariga Maraykanka kula kulmay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramadda midoobay Jan Eliasson.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu la kulmay safiiradda wadamadda Maraykanka, Ingiiriska, Norway iyo Ruushka u joogga Qaramadda midoobay.

biixi

Haseyeshee illaa hadda wax war oo rasmi ahi Kama soo bixin arrimaha uu daarnaa kulankaasi, waxase ilaha aanu warkan ka soo xiganay sheegayaan in arrintu ku waajahantahay olole dublamaasiyaddeed oo wasaaradaas iyo xukuumadda Somaliland ku doonayaan inay kaga fogaadaan dhaliilo arrimaha dibada loogu jeediyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa inta aanu dalka ka dhoofin sheegay inuu kulamo la yeelan doono madaxda dalka Maraykanka, qaramadda midoobay iyo dalal kale, waxaana la filayaa in marka uu soo noqdo uu ka warbixin doonnno.

Wasiirka waxa kulankiisa ku wehelinayey sida la sheegay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Dr Maxamuud Jaamac (Sifir) iyo la taliyaha dhanka sharciga Arrimaha dibadda Nimco Cilmi.

Si kastaba ha ahaatee, arrimaha diblamaasiyada ayaa u muuqda qaar lagaga dheereeyey Somaliland, isla markaana beesha caalamka ayaa muujisay inay illaa hadda u dhago nugushahay dadka mucaaradka ku ah Somaliland ee aan raalida ka ahayn madax banaanidda Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here