Faallo – Maxamed Cumar, Weriyaha Saxafi ee Boorama
Waxa indhawaaleba dadweynaha gobolka Awdal qaybo ka mid ah, siyaasiyiin iyo odayaalba soo hadal-qaadaan hadallo badi dadweynaha Somaliland illoobeen, balse soo xusuusinaya xumaantii laga dhaxlay dagaaladii sokeeye ee la iska saamaxay 1993kii. Hadaladan oo inta badan dadkaasi uga jeedaan inay dadweynaha gobolka mar kale xusuusiyaan xumaantaasi ayaa waxay halhays ka dhigtaan, waa nala haystaa, beelo kale ayaa ka shaqeeya gobolka, Badhasaab reer hebel ah ayaa na xukuma, iyo waxyaalo kale oo nusqaan ku ah sharafta iyo karaamada dadweynaha gobolka ee beelaha Somaliland kula heshiiyey inay dawlad dimuqraadi ah wada dhistaan, nabadna ku wada noolaadaan.
Waxay reer Somaliland Madaxweyne u doorteen Daahir Rayaale oo gobolka Awdal ka soo jeeda, waxayna weli haystaan reer Awdal mansabka labaad ama kursiga labaad ee ugu sarreeya dalka, iyagoo dhinaca kale boqolaal ama kumanyaal shaqaale ahi ka joogaan caasimadda iyo dalka intiisa kaleba ilaa laga gaadho Sool iyo daafaha dalka oo maanta saraakiil ka mid ah ciidamada qaranku ka difaacayaan kooxaha Khaatumo ee Cali klhaliif Galaydh ka saaray magaalada Saaxdheer, waxana ciidamada qaranka ee halkaa jooga ka mid ah askar iyo saraakiil ka mid ah ciidamada dawladda.
Way jiraan isku-dheelitir la’aan ka muuqata shaqaalaha hay’adaha dawladda, kuwaas oo qaarkood shaqaalaha ka hawlgala aanay cidi ku tarraxin beelaha ka soo jeeda gobolada dhexe ama kuwa Bari ee Somaliland, loona baahan yahay in dib loo eego balse aanay meesha ku jirin in dad ujeeddo siyaasadeed ka lehi had iyo jeer kaambayn ka dhigtaan in shaqaalaha gobolada kale ka yimi laga saaro gobolka. Waxa Boorama ka hawlgala oo keli Afar ama shan masuul oo ka soo jeeda gobolada dhexe ee dalka ilaa Sanaag Bari marka lagu daro Badhasaabka gobolka, waxa qudha ee la sheegi karaana ay tahay Goboblka Selel oo shaqaalaha ay ku soo shubeen wasaaradaha Daakhiliga iyo Maaliyaddu qarqiyeen shaqaalihii degaankaasi, halka wasaarado iyo hay’ado kale oo caasimadda ka hawlgalana aanay ka muuqan shaqaalaha gobolkani loona baahan yahay in dib loo eego.
Badhasaabka gobolka Awdal oo ka soo jeeda gobolka Togdheer waxa uu la mid yahay badhsaabka Saaxil ee ka soo jeeda gobolka Awdal, hadii Badhasaabka Awdal la yidhaahdo ha baxo ama macnaheedu waxa weeye kan Saaxilna bustihiisa ha soo qaato, hadii la yidhaahdo shaqaale dawladda Somaliland ka tirsani ma iman karo gobolka Awdal, waxa imanaysa in boqolaalka masuul iyo shaqaale ee reer Awdal ka soo jeedaa iyagana laga soo saaro caasimadda iyo meelo kaleba, sidaa darteedna dadka moodaya in lagu ololeeyo arrimahaasi luggooyo ku yihiin ummaddooda iyo shacbigooda, sidii xaqooda ama saamigooda uga heli lahaayeen xukuumaddana inay dawlad kastoo Somaliland ah, wasaarad kasta iyo hay’ad kastaba ka daba qayliyaan ilaa ay xaqooda ka heleyaan balse aan loo baahnayn in dawladnimada lagu waxyeeleeyo.
Inkastoo aan la ogeyn meesha beryahan dambe laga soo istaadhay odayaasha iyo siyaasiyiinta dawladda ka tirsan ama debedda ka joogta ee beryahanba kaambaynka kala duwan ka wada Boorama iyo caasimadda Hargeysa, waxayse runtu tahay inay reer Awdal isku miisaamaan xilalka ay ka haysteen dawladii Rayaale iyo tan maanta ee KULMIYE, kuna xisaabtamaan khasaaraha ama faa’iidada kaga iman karta hadii ay gobolkooda ama Boorama ka soo saaraan shaqaalaha gobolada kale ee dalka ka jooga, isla markaana meesha ka saaraan mucaaradnimada gobolaysiga iyo qabyaaladdu ka muuqato lana yimaaddaan mucaaradnimo ku salysan waddaninimo iyo nabad ku wada noolaansho.