Hargeysa, (Hubaal)-Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa ka hadlay isku shaandhaynta uu Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay Xukuumadiisa, isla markaana wuxuu ku tilmaamay mid aan waxba ka bedelayn xaalada uu maanta dalku marayo, oo tabashada uu qabo beesha degta galbeeda gobolka Boorama aanay waxba ka bedelayn isku shaandhayntani .
Cabdirashiid Xasan Mataan wuxuu sidaa ku sheegay Waraysi uu siiyay Shabakada Hadhwanaagnews, waxaanu yidhi;“Wallaahi isku shaandhaynta maanta la samaynayo, laftigeeda micno badan ma samaynayso, waayo dawlad waqtigeediiba ka hadhay saddex bilood, isku shaandhaynta ay ka bedelayso micno badan kuma fadhido, talada soo socota ee la siin doono Madaxweynaha ayay ku xidhnaan doonta, in ay umadu aamin karto iyo in wax kale looga guuro. Laakiin isku shaandhaynta maanta la sameeyay, waxay tii hore kaga duwan tahay ma jirto, waayo intii laga cabanayay qofnaa kagama jiro, intii la dhaliilayaynaa cidii kama jirto.”ayuu yidhi Cabdirashiid Xasan Mataan
Sidoo kale, Cabdirashiid Xasan Mataan wuxuu xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay qaabka foosha xun ee xilka uga qaadeen Wasiirkii hore ee arrimaha Bulshada “Aniga wax igu fool xumo ah, wasiir xukuumada ka mid ahaa oo xanuunsanayaa oo aan heli daryeel caafimaad, inuu maantana noqdo wasiiradda shaqada laga qaaday, waxay ahayd in marka hore la daweeyo, caafimaadkiisu dhinac u dhaco, oo ilayn wuxuu ku xanuunsaday isagoo shaqada gudaheeda ku jiraa, marka uu daryeel caafimaad helo, dabadeed shaqada laga qaado. Laakiin waxaan u arka fool xumada iyo caddaalad darada taala Somaliland.”
Dhinac kale, hadal uu hore u jeediyay Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayuu ku sheegay in Madaxweyne Siilaanyo looga fadhiyo inuu wax ka qabto tabashadda gobolka Awdal Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Wadani Mud. Axmed Muumin Seed uu hore u yidhi “Umalayn maayo in xukuumada Kulmiye ee M.Siilaanyo horkacayaa ay diyaar u tahay in ay wax ka qabato tabashada ka soo yeedhay beelaha Cidhifyada, iyada oo aan ognahay in mudadii loo qabtay ay mudo-dhaaftay, waxaana aan hubaa in aanay marnaba M.Siilaanyo ka suurtoobin inuu Wasaaradaha A-da ah u magacaabo dad kale oo ka baxsan xayndaabkiisa, dalkan waa dal ay maanta xukuumada Kulmiye ka dhigtay mid ay cadaalad daro ku beertay, qabyaaladii iyo qudhinkeeduna waa hubaal in ay maanta noqdeen kuwo ay xukuumadu dhex raacisay dhiiga wasiiradeeda, habada, Madaxda dhaqankoodii iyo dhiigoodiiba noqday sidaa ee wax laga tabanayay hadii uu M.Siilaanyo yidhi qayb ha ka noqdaan oo tabashada ha soo turxaan bixiyaan sidee ayay macquul ku tahay halaga sugo M.Siilaanyo Cadaalad dadka deeqda, taasi waa wax aan macquul ahayn waana loo wada joogi doonaa waxa ka soo baxa qalinkiisa oo taariikhda ayaaba qori doonta.”