Cali-sanyare oo dhaliilay siyaasadda dhaqaale ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo

0
35

Hargaysa(Hubaal) wasiirkii xanaanada xoolaha somaliland ee loo badalay wasaarada shaqada Arimaha Bulshada Dr. Cabdi Awdaahir ayaa ganafka ku dhuftay xilkii loo magacaabay ee wasaarada arimaha bulshada isaga oo wakhtigan ku sugan dalka turkiga oo uu ka mid yahay xubnaha somaliland uga qayb galaaya wada hadalada somaliland iyo Somalia.

warar lagu kalsoon yahay ayaa shabakada gobanimonews.com u xaqiijiyay in Dr.Cabdi Aw daahi uu iska casilay xilkii cusubaa ee loo magacaabay islamarkaana uu gaashaanka u daruuray ergooyin uga yimi dhanka madaxtooyada somaliland.

cali sanyareGeesta kalana wasiir samaale oo isna saaka ku dhawaaqay iscasilaadiiisa ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda uu si rasmi ugu dhawaaqo islamarkaana uu madaxtooyada u gudbiyo warqada iscasilaada,iyada oo maantan ay wasaarada Maaliyada ay gaaf wareegaayeen Wufuud iskugu jirta Siyaasiyiin,Aqoon yahano iyo Oday dhaqmeedo ku gaaf wareegaayay xarunta wasaarada kuwaas oo ay wararku sheegayaan in ay yahiin ergo ka socota dhanka Qasriga Madaxtooyada somaliland,oo uu soo iga maday madaxweyne Siilaanyo si ay u galaan maslaxaad lagu Qancinaayo Wasiir samaale si uu xilka cusub ee Wasaarada waxbarashada ula wareego balse waxa warku tibaaaxayaa inuu Wasiir Samaale iska taagay meel adag oo isku qanciyay inuu ka dego xilka xukuumada, Sheekh Samaale ayaa mar uu Saaka waraysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBCda sheegay in aanu xil dambe ka qabandoonin xukuumada Siilaanyo, iyada oo dadka siyaasada Odorasaana ay sheegayaan inuu guud ahaanba ka dego roganaayo Xisbiga kulmiye,waxaana la soo warinayaa inuu u jeedo dhanka Xisbiga Ucid oo la sheegay in xalayba gurigiisa lagu arkaayay Hogaanka Xisbiga Ucid oo uu ugu horeeyaan Musharaxiinta Xisbigaasi kuwaas oo xalay Saacadahii dambe ka soo baxay guriga Wasiir Samaale.

Isku soo wada duuboo Seeftii uu madaxweyne Siilaanyo uu Habeen Hore la dhex galay Golahiisa Wasiirada ayaa noqotay mid khal khal Xoogan iyo Dareen Siyaasadeed ka dhex Abuurtay Xarunta Qasriga madaxtooyada somaliland, iyada oo ilo u dhuun daloolaana ay sheegayaan in ay isku khilaafeen madaxweyne Siilaanyo iyo xubnaha ka ag dhaw ee kala taliya dhan siyaasada kuwaas oo ugu horeeyo wasiirka haatan gacanta ku haya hogaanka iyo maamulka dalka ee Xirsi oo ku magacaaban wasiirkla madaxtooyada balse shacabku u yaqaanaan Raysal wasaaraha dadban, waxa laga dhursugaaba waa halka ay ku dambayndoonto xaalada khal khalsan ee ka jira madaxtooyada iyo Xilalka jaahwareerka ku riday qasriga Siilaanyo ku suntan yahay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here