Wasiir Cabdi Aw Daahir muxuu ka yidhi warar sheegayay inuu iska casilayo xilka cusub ee loo magacaabay?

0
21

Hargeysa(Hubaal) -Wasiirkii hore ee Xannaanada xoolaha Somaliland, Dr Cabdi Awdaahir Cali, ayaa si kooban uga hadlay warar ku saabsan inuu ku gacan saydhay Xilka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland ee haatan loo magacaabay, waxaanu sheegay inaan warkaasi jirin.

Cabdi Aw DaahirWasiirka ayaa haatanka mid ah Weftiga Somaliland uga qayb galaya Wada xaajoodka Somaliland iyo Somalia maanta uga furmay Turkiga, waxaanu Boggiisa Facebook ku baahiyay farriin kooban oo uu arrintan ku beeniyay waxaanu yidhi “Warka ay Warbaahintu qortay ma jiro. Meel ay ka keentayna garan maayo”

Saxaafadda Online-ka ah iyo baraha Bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay wararka ku saabsan inuu iscasilay Mudane Cabdi Awdaahir, iyagoo ku sababeeyay inuu saluugay Wasaaradda hadda loo dhiibay oo ah derejada “C”, halka horena uu joogay xannaanada xoolaha oo ah “B”.

Wararkan ayaa imanaya iyadoo Wasiir Cabdicasiis Samaale diiday Wasaaradda Waxbarashada oo loo bedelay islamarkaana sheegay inaanu xil dambe ka qaban doonin Xukumadda Siilaanyo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here