Hargaysa(Hubaal) -Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa mar kale ka hadlay Musharaxnimada Madaxwaynaha Somaliland ee shanta sanadood ee soo socda, waxaanu sheegay in Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo uu yahay Musharaxa koowaad ee xisbiga KULMIYE uu leeyahay wakhtigan.
Wasiir Cabdilaahi Cukuse, oo safar ku jooga Magaalada London ee cariga dalka Ingiriiska, ayaa sidoo kale ka hadlay sababaha masuuliyiinta xukuumadda qaarkood ay hayb ahaan ugu jawaabaan haddii masuul Mucaarad ah oo ay isku beel yihiin eedaymo u jeediyaan xukuumadda.
Wasiirka warfaafinta oo shalay lagu wareystay barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA, ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabaha Somaliland u suurto-galay tan iyo 1991-kii .
Wasiirka oo ugu horeyn ka hadlaya isla-markaana sawiraya haykalka dawladnimo ee Somaliland, ayaa yidhi “Somaliland waxa u suurto-galay waxyaabo waaweyn oo aasaasiya, waxa la saxay qaladkii la galay 1960-kii, waxa la sameeyay calan Somaliland leedahay, waxa la sameeyay astaan qaranku leeyahay, waxa la dhisay golayaal sharci dejineed ama Baarlamaan, waxa la sameeyay dastuur dalku leeyahay, waxa la sameeyay lacag gaar ah oo dalku leeyahay, waxa la sameeyay ciidan qaran oo dalku leeyahay, intaasina waa aasaasi, waana inta dawladi u baahan tahay, waxa la sameeyay dib u heshiisiin, waxa la qabtay doorashooyin dadku si dimuqraadiya codkooda ugu doorteen Madaxtooyada afar goor, Golaha wakiiladana waala doortay, waxa la sameeyay xisbiyo siyaasadeed…”
Wasiirka oo la waydiiyey waxa keenay in shirkii Kulmiye uu qabyaaladda soo cusboonaysiiyo, ayaa ku jawaabay “Shirka Kulmiye saamayn-bay ku lahayd ergooyinkii la xulayey, laakiin maaha wax aanu annaguba jeclaysanayno, maaha dariiq wanaagsan oo aanu leenahay waa lagu waarayaa, inteeda badanna kumay dhisnayn, imikana gobollo iyo qurba-jooga ay dadku ku imanayeen, haddana taasi marag-baan kaaga furayaa, mana ah wax wanaagsan, umana maleynayo inay ahayd wax waaraya, laakiin waxay ka mid tahay uun qabyaaladdu raadadka ay innagaga tagtay, laakiin way ina tageysaa oo way innaga sii debar go’aysaa, waxaanuna rejo ka qabnaa inaynu ka durkayno oo aynu dhinaca ka wanaagsan u durkeynno..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray, isaga oo ka hadlaya sababaha Masuuliyiinta xukuumadda qaarkood ay hayb ahaan ugu jawaabaan haddii masuul Mucaarad ah oo ay isku beel yihiin xukuumadda eedeeyo “Cidna iskuma hawsha in qofka hadlaba loo doono qofka reerkooda ah, laakiin waxa laga yaabaa inay isku beegmaan, mana filayo inay tahay wax jira, haddana way dhici kartaa in laba isku reer ahi isku jawaabaan in badan, oo mid dawl;adda ka mid ah iyo mid aan ka mid ahayni ay isku beegmaan waa wax dhici karaya..”
Wasiirka warfaafinta oo la waydiiyey, su’aal la xidhiidha cabudhinta saxaafadda iyo xadhigga soo noqnoqday, ayaa yidhi “Adeer, Cabudhin Ma jirto, shuruucda dalkeenna iyo mabaa’diida uu dalkeennu qaatay midna ma saamaxayo iyo saxaafadda la cabudhiyo, dalkeenna waxa ka hawlgala hay’ado warbaahineed oo tiro badan, dhowr iyo toban wargeys-baa ka hawlgalla, ilaa 8 Tv-baa ka hawgalla, dhammaantoodna si madax-banan-bay uga hawlgalaan, way dhacdaa in marar kala duwan xukuumadda iyo saxaafaddu isugu dhacaan, sida ay dunida inteeda kaleba isugu dhici karaan, waxaase aanu annagu ugu yeedhaynaa cid walba, hay’adaha nabadgalyada, Garsoorka iyo saxaafadda lafteedaba in loo hoggaansamo nidaamka dimuqraadiyadda iyo xoriyatul-qowlka, saxaafadduna ay noqoto mid ilaalisa akhlaaqada caalamiga ah iyo ta maxaliga ah ee saxafiga looga baahan yahay”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray, isaga oo ka hadlaya Musharaxnimada Madaxwaynaha Somaliland ee uu isagu shaaciyey “Musharaxa koowaad ee xisbiga KULMIYE uu leeyahay waa Madaxwaynaha, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Maadaama oo uu yahay Madaxwaynaha imika talada gacanta ku haya, sharciguna u saamaxayo inuu mar labaad jagadaas isku taago oo uu isku sharaxo, maantana Musharaxnimadiisa dadka iyo dalkaa u baahan, in Muuse oo ah Guddoomiyaha xisbiga iyo in xubno kaleba la tartamaan xaq-bay u leeyihiin, xisbiga dhexdiisana dimuqraadiyaddaasi waxa tilmaamaya shuruucda dalkeenna iyo xeerka xisbiga, intuba way saamaxayaan.