Daawo: Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Dalka Djibouti Oo Isu Soo Bax Ballaadhan Xalay Ku Qaabilay Maalinta Xuska Qaran Ee 18-ka May

0
49

Djibouti(Hubaal) -Iyadoo bulshadda reer somaliland ay ku jiraan debaal degyada ay ugu dabaal degayaan xuska maalinta qaran ee 18-ka may ayaa si la mid ah sida meel kasta oo ay joogaan dadka reer somaliland ay u wayneynayaan maalintan qaran,ayaa Jaaliyadda reer somaliland ee ku nool Dalka Jamhuuriyadda Djibouti waxa ay xalay sameeyeen debaal deg ballaadhan isla markaana si diiran loo soo qaban qaabiyey taasi oo ka soo qayb-galeen dhamaan jaaliyadda somaliland ee ku nool Dalka Djibouti.

jabuuti 18 may

Xafladan debaal dega xuska Xuska 18-ka may ayaa xalay fiidkii ka bilaabantay fagaarihii loo asteeyay in ay ka dhacdo xafladdaasi oo si heer sare ah loo qurxiyey,waxaana halkaasi ka soo xaadiray oo kala qayb-galay xafladdaasi safiirka Somaliland u Fadhiya dalkan Jamhuuriyadda Djibouti Maxamed Xirsi Qalinle,safiir ku xigeenka,xubnaha iyo masuuliyiinta kale ee safaaradda somaliland ku leedahay dalka Djibouti ka hawl-gala.

jabuti18may jabuuti18 may

ugu horayn waxa halkaasi hadal kooban oo ku qotoma xuska maalintan qaran ee dalka somaliland ku suntan safiir Maxamed Xirsi Qalinle oo sheegay in ay tahay maalintani mid qiime iyo mudnaan gaar ah u leh somaliland guud ahaan,isla markaana ku suntan maalintii ay dib ula soo noqotay xornimadii habawday 60-danaadkii,wakhtigaasi oo u jeedada somaliland ay markii ay gumaystihii ingiriiska ka qaadatay xornimadeeda ay riyadii markaasi ahayd in la isla doonto wixii la isku odhan jiray shantii somaliyeed taasi oo markii dambe noqotay riyo aan rumoobayn.

Dhinaca kale waxa uu u mahad celiyey Dawladda Djibouti oo uu hormuudka u yahay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle iyo marwadiisa Khadra Maxamuud Xayd,oo taageeradooda anay xafladda qiimahaasi leh ka dhacdeen jabouti,isla markaana Jaaliyadda somaliland loo ogolaaday in ay xafladooda ku qabsadaan meelaha ay xafladduhu ka dhacaan goobta ugu wanaagsan ee barxada venis ee duleedka Dekada Jibouti,taasi oo ay si ballaadhan uga mahad celiyeen jaaliyaddu.

jabuti18 may

isku soo wada duub oo xafladda ayaa si habsami ah oo sidii loogu tallo galay ah ku soo dhamaatay saacadihii dambe ee niskii xalay iyada oo ay halkaasi ka tumayeen qaar ka mid ah fanaaniinta reer somaliland ee ku sugan Jibouti iyo fanaaniin reer Djibouti ah,kuwaasi oo la damaashaadayey boqolaal jaaliyadda somaliland ah ee soo xaadiray xafladaasi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here