Jeddah (Dhamays/Hubaal) Boqorkii dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya, Boqor Cabdalla bin Cabdi casiis ayaa geeriyooday Saqdii dhex ee caawa.
Boqor Cabdalla oo toddobaadyadii u dambeeyay xaalad caafimaad daro ugu jiray Cisbitaal ku yaalla Magaalada Jeddah ee caasimadda Sucuudiga, ayaa geeriyooday, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay boqortooyada Sucuudiga isla-markaana uu baahiyey Telefiishanka Al-carabiya iyo Website-ka uu leeyahay Wargeyska Jerusalem
Alle ha u naxariistee Boqor Cabdalla ayaa muddo Todobaado ah Cisbitaalka ugu jiray cudurka loo yaqaanno (pneumonia), waxaana mudadii uu Cisbitaalka ku jiray u rakibnaa qalab u fududeynayey neefsiga, laakiin caawa ayaa uu geeriyooday.
Boqor Cabdulla ayaa ah boqorkii Lixaad ee dalka dhanka shidaalka ka qaniga ah taladiisa qabta wuxuuna xukunka Sucuudiga la wareegay bishii Ogost sanadkii 2005kiii, ka dib markii uu geeriyooday walaalkii boqor Fahad. Waxaana Boqor Cabdalla ay imika da’diisu ahayd 91-jir.
Sucuudiga, ayaa ah waddan qani ku ah soo saaridda shidaalka, waana dalka ugu soo saarka badan saliidda adduunka oo dhan.