HUBAAL TV:Madal Kulmisay Haldoorka Aqoonyahanka,Salaadiin,Siyaasiyiin Iyo Garabka Haweenka Oo Ururka Dhalinyarada JIIDALI Mahadnaq Ugu Celinayeen Intii Ka Dhiidhiday Xadhigoodii Oo Ka Dhacday Hargeysa

0
22

Hargeysa (Hubaal) Xaflad Qado sharaf ah oo aad loo soo agaasimay islamarkaana kulmisay haldoorka aqoonyano,salaadiin,siyaasiyiin iyo dhalinyaro iyo garabka haweenka ururka dhalinyarada Jiidali ayaa ka dhacday hotel Safari ee magaaladda Hargeysa, xafladan oo daarnayd mid ururka Jiidali ugu mahadnaqayo bulshada Somaliland gaar ahaan intii ka soo horjeeday xadhiga hogaankii iyo xubnahii ay xukuumaddu dhawaan xabsiga dhigtay ayaa waxa soo qabanqaabiyay ururka dhalinyarada beelaha Subeer Awal ee JIIDALI,waxaana hadalo kala duwan ka jeediyay madasha hadhimada loogu sameeyay masuuliyiin kala duwan,anaga oo muuqaalka video-gan idiin soo diyaarinay ayaa waxaanu ka soo qaadanay hadalo koo-kooban qaar ka mid ah masuuliyiintii madasha ka hadlay oo uu ugu horeeyo wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor oo ka waramay waayihiisii nololeed ee intii uu xabsiga ku jiray oo uu sheegay in sharciga iyo cadaalada dalka ay marayaan halkii ugu hoosaysay waxaana uu sheegay in intii uu xabsiga ku jiray qoray buug “waxa jira bug aan qoray intii aan xabsiga ku jiray oo ka kooban Afar boqol iyo dhawr iyo toban bog oo aan soo bandhigi doono wakhtigiisa” ayuu yidhi

Cabdilaahi Abokor waxa uu daaha ka rogay xubno awood lasoo kacaya oo uu sheegay in taladii dalka ay ka fara maroorsadeen madaxweynaha islamrkaana waxa uu Cabdilaahi Abokor soo jeediyay in loo baahan yahay in laga qabto xubnahaas oo uu ku sheegay (Damu-jadiid) dalka “Waa inaynu ku dhiirano inaynu ka qabano Raga (Damu-jadiid) Ee Xukuumaddeena ku jira…ma doonayno inaynu dib u galno dagaaladii todobaatanadii ka jiray bariga Africa” ayuu yidhi Cabdilaahi Abokor.

Dhanka kale Musharax ku xigeenka madaxweyne ee xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa ka hadalay xafladan waxaana uu sheegay in dadka oo la iska xidho ay tahay cadaalad darada ay xukuumadda Siilaanyo ku maamulayso dalka.

Engineer Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay nidaamka wanaagsan ee ay ummadu horumar ku gaadhi karaan waxaana uu tilmaamay haddii la isticmaalo qabyaalada oo lagu dhaqmo inaan wax horumar ah oo dalku uu gaadhayaa aanay jirin “meel qabyaalad ku shaqeynaysa wax horumar ah ma samayso oo ma socoto waayo intaa maahee inta kale ayaa kaa cadhoonaysa, ka dulman ayuun baa xuquuqdiisii lumaysaa, kolkaasaa imika la odhanayaa haddii aanu reer hebel nahay anagu idiinma lihin oo dawlada waxaa loola tagaa waxaa ii qabo iyo waxaa noo qabo laakiin dalka wax u qabo waa laga tegay” ayuu yidhi

Waxa kale oo uu ka hadlay dhanka cadaaladda dalka oo uu ku tilmaamay mid heerkii ugu xaumayd taagan “kolkaad immika aad eegto maxkamadaheena waxaa geed yar hoos fadhiya kuwa yaan u gubtaa yidhaahda oo dhaar markhaati beebaale ayay diyaar u yihiin oo waa la yaqaan qabta la odhan maayo oo la eryi maayo kolkaa halkaa ayaynu cadaalad ka maraynaa” ayuu yidhi

HALKAN HOOSE KA DAAWO BARNAAMIJKAN OO DHAMEYSTIRAN

qado sharafta jiidali

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here