War Deg Deg Ah: Dab Habeen Sedexaad Ka Qarxay Bakhaaradda Al- Xarbi Trading Co.Ee Burco Oo Dib U Istaadhmay + Fashilaadda Xukuumada iyo Xogo Kale Muhiim Ah.
Burco(Hubaal)- Waxa caawa marlabaad dib u istaadhmay Dabkii habeen Sedexaad ka qarxay Bakhaaradda (Warehouse) ee Shirkadda Ganacsiga Al-Xarbi ee Magaalada Burco .
Dabkan Labaad oo Caawa bilaamay Abaaro 1:00 Kii Habeenimo ayaa la sheegay in uu ka dhashay Dabkii Habeen Sedexaad Bakhaaradaasi gubay oo Gunta ka sii huraayay ,kaasi oo aan si toos ah loo bakhtiinin isla markaana mar qudha ayuunbaa laga warhelay Dhismayaashii oo Hulcaaya ,kaasi oo aan ilaa hada la bakhtiinin ,sida Goob-joogayaal u xaqiijiyeen Shabakadda Hubaalmedia.com.
Mida kale Laamaha Dawladda Siilaanyo ee gobolka Togdheer ayaa si cad ugu fashilmay habeenkii labaad in ay dabkan la tacaalaan ,meheradahan Shicibka iyo hantidooda baabiiyay ,kaasi oo xiitaa khatar weyn ku haya marka Bakhaaradan laga tago xaafado aagaasi ku yaala.
Geesta kale Xaafadaha ku xeeran Bakhaaradan gubanaaya oo ku yaala ka soo horjeedka Fagaaraha Khayriyadda Burco ayaa bilaabay Caawa Barokac ay dabkani kaga fogaanayaan si aanu igu soo talaabin.
Waxaana jira sida la xaqiijiyay dad badan oo guryahoodii ka huleelay ka dib markii ay arkeen in dabkani khatarta uu kuhayo, maadaama cid ka bakhtiisaa aaney Magaalada ka jirin ,ku darsoo waxa Meherdaha gubanaaya iskugu soo baxay dadweyne ka cadhaysan awood daradda Xukuumadda kaga gaabisay bakhtiinta dabkan .
Geesta kale Laba Gaadhi oo Dabdamis ah oo Magaalada Burco lahayd ayaa mid ka mid ah Wasiirka Duulistu hore ugu wareejiyay dhinaca Berbera ,kaasi oo Habeen hore usoo gurmaday dabkan ,laakiise caawa la waayay meel’uu maraayo ,inkastoo ka kale ay Dawladda Hoose gacanta ku hayso hadana waxa la sheegay in uu Biyo beelay markii uu goobta dabka gaadhay.