HUBAAL Ka Daawo Sawirrada Iyo Muuqaallada Taageerayaasha Xisbiga Caddaaladda iyo DAryeelka Somaliland Oo Carriga  Minneapolis  Ku Qaabilay Eng. Feysal Cali Waraabe

0
64

 Minneapolis (Hubaal)- Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ee ku dhaqan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnasota ee dalka Maraykanka ayaa Soo dhawayn u sameeyey Guddoomiyaha Xibsigaasi Eng. Faysal CaLi Waraabe oo dalkaasi socdaal ku jooga.

Eng. Feysal Cali Waraabe Oo  ka soo baqoolay dhinaca wadanka Mexico ee ay USA deris yihiin, halkaas oo uu kaga qayb galay shirweyne ay isugu yimaadeen  xisbiyada adduunka ee ku bahoobay Dallada Socialist International.

 Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa habeennimadii xalay kulan afura la qaatay jaaliyadda Somaliland iyo tageerayaasha xisbiga, waxaana kasoo qayb-galay qaybaha kala duwan ee bulshada   gobolka Minnesota.

Waxaa erayo soo dhaweyn ah ka jeediyay madaxa xisbiga UCID ee dalka Maraykanka, Xasan Yoonis oo ku billaabay inay ku sugan yihiin kulanka dhammaan taageerayaasha xisbiga UCID, isagoo sheegay inay u tahay farxad  in kulanka aad kasoo qaybgasho mudane guddoomiye.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay laba xubnood oo ku hadlaya afka Dirta Koonfureed, kuwaasoo u mahadceliyeen Dawlada Somaliland iyo siyaasiga Faysal Cali Waraabe.

Dadkii kale ee hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Prof. Axmed Ismaciil Samatar  isagoo sheegay in xillagan uusan ka mid ahayn xisbiyada Somaliland.

 “Waxaan doonayaa inaan labo eray idhaahdo dadka Somaliland ee kulankaan fadhiya, arrin kalena waxaan hordhigayaa Dirta Koonfureed oo qaarkood aan Xamar isku soo aragnay kana mid ah reer Somaliland, waxaa jira wax badan oo laga wada-hadal marka kulannadaan oo kale l isugu yimaado sida biyo la’aanta, waddooyinka xun-xun, 20-kii sano waa la dadaalay laakiin guulihii la gaaray waxaa ka weyn shaqada la qabtay. Dalka in la wada-yeeshana waa laga maarmaan,” ayuu yidhi Prof. Samatar.

 Sidoo kale, wuxuu sheegay in Somaliland ay noqoto dhul la wada leeyahay haddii aysan dhicinna waxaan dib ugu noqonaynaa halkii aan ka mid ahayn. Dirta Koonfureed wuxuu kula taliyay urur inay yeeshaan, madax yeeshaan noqdaanna dad leh meel loogu soo hagaago.

Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa isagu khudbaddiisa ku billaabay inuu kasoo laabtay shir shir ka dhacayay Mexico, Talaadada soo socotana uu ballan ku leeyahay magaalada Washington.

 “Waxaa taagan dhibaatadii 1960-kii markii Somaliland ay xowrday ay shuruud la’aan la midowday Soomaaliya inteed kale ama gobollada Koonfur ku yaalla. Hadda waxay yidhaahdeen gooni baan isku taagaynaa lamana marin habkii aqoonsiga lagu heli lahaa, mar kastana waxay ahayd waxaan qorsheysnay 23-kii sano ee Somaliland ay jirtay, waxaa haysatay qorshe xumo iyo talo-xumo. Haddana Waxaan diyaar u nahay inaan ka qayb-galno doorashada shanaad ee Somaliland, waxaana rabnaa inaan wax badan qabanno sidii aan u bedeli lahayn baarlamaanka hadda jira ee iska fasaxa sharci walba. Waxaan kaloo doonaynaa inaan dib u mideyno Somaliland. Waxaana la furaynaa wada-hadallo maamullada kale sida Khaadumo. Shirkii Taleexna wuxuu ahaa mid dhibaato u keenaya Somaliland,” ayuu yidhi Enj. Faysal.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay dagaalada Shabeellada Hoose, isagoo xusay in dhibaatada Dirta qura aysan haysan balse ay sidoo kale haysato dadka loogu yeero Bantu-ga oo aan lahayn cid u hadasha. Bantuuga waqooyi way dhibaataysan yihiin waana dad tuman, isagoo eedda u dhasha ka saaray Roadmap-ka.

“Balaayo Map, maanta ma ahan 1960-kii oo la is qiyaameyn jiray cid walba cod bay hadda leedahay. Jubbooyinka waa dhul cusub oo hadda uun la kala boobayo,” ayuu hadalkiis ku sheegay guddoomiyaha xisbiga UCID.

Wuxuu ammaan u jeediyay madaxwaynayaashii hore ee Somaliland wixii ay qabteen sida Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin.

Ugu dambeyn, waxaa iyagana goobta ka hadlay xoghayaha arrimaha dibadda UCID  Yuusuf Budle, madaxa xisbiga ee Waqooyiga Ameerika, Cali Qaalib, odayo waxgarad reer Minnesota ah oo aad u soo dhaweeyay Feysal Cali Waraabe.

uci3UCID-USA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here