Waan Ooyayaa…!!! W/Q: Mohamed Hassan Daacad

0
51

Waan Ooyayaa…!!! W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Qeybtii 2-aad.

Intaynaan u gudo galin qeybta labaad ee Qormadeenan,Somalidu waxay ku Maahmaahdaa : “ Aqalkaaga Hortiina Ood baa la dhigtaa,Eraykaaga hortiina afeef baa la dhigtaa”. Akhristayaasha Sharafta iyo Karaamada mudan,waxaan jecelahay in aan idiin sheego in aanay Sheekadani Aniga igu saabsanayn,sida Akhristayaal badan oo akhriyay Qeybtii hore ee Sheekada u fahmeen.

Kaliya waxaan ka qoray Dhibka iyo Saxariirka lasoo darsa marka Ilmaha Yar Hooyadii Dhimato.waxaan rajaynayaa in wixii talo iyo tusaale ahba aad ila wadaagi doontaan. Mahadsanidiin dhamaantiin

Habeenkii waa dhamaan la’yahay,waxaana hadda jahooyin badan kasoo fool leh hilaac biligda haya iyo daruuro onkod weyni weheliyo. Onkadkan Xoogani waxa uu mararka qaarkood iga saarayaa intii yarayd ee Kalsooni ahayd ee igu jirtay.maxaa yeelay horeba waxa iila daris ahaa baqo iyo cabsi xoogan oo ay sabab u tahay Madashan aan joogo iyo Marxaladan aan ku jiro.

  Waxaan u adkaysan waayay dhaxanta jirta,waxaanan isku dayay in aan haab-haabto wax aan dusha iska saaro ama aan dhinaca dhigo. Hadii aan waxuun heli lahaa waxaan ii saamaxayn mugdiga xoogan ee Cooshadan yar ka jira iyo Iftiin la’aanta isku kay darsamay. Dhinacii dibada hadaan is-idhaahdo u bax,waxaan ka baqayaa Ayda dibada ka ciyaysa iyo Suura-galnimada  inay I dilaan raga waal-waalan ee Gidaarada ii dhaw dhaw ku qayilaaya.

Cooshadan aan ku jiraa maaha goob amaankeeda  aan isku halayn karo,kaliya aan ahayn inay nafi isoo galisay,danina I baday.waa meel; furan oo sidii anba aan iska soo galay dad iyo duunyaba iska soo gali karto. Habeenkii intii badnayd wey tagtay,walina laba indhood isku maan keenin.waxaan  Afka saaro,ama aan  cuno waxa iigu danbaysay goor hore oo maanta ahayd oo dhawr midh oo buskul ah aan ku cunay Shilimaad koobnaa oo aan  jeebka ku sitay.waxaan ku sugunahay; casho la’aan iyo cid la’aan.

Hadda waxa si toos ah isu badalay gabi ahaanba Jawigii habeenimo,waxaana bilaabay Roob weyn oo mahiigaan ah. Hilaaca, Onkodka iyo dhibica weyn ee roobku kala go’a malaha.

Cooshadan yar ee aan miciinka biday,maaha goob loogu talo galay inay u babac-dhigid roobkan oo kale. Waa goob; dhawr marduuf oo jaad ah,falaasado shaah ah,gabaad ka noqoshada falaadhaha Cadceeda iyo inay dhawr nin isku cidhiidhyaan,kuna qayilaan uun loo agaasimay.Habeenkiina inta Loox ama ood yar afka laga saaro layskaga hoydo.roobkii waa sii xoogaystay,an-na waxa igu sii batay cabsidii iyo ka fikirka waxa uu Habeenka waayaha badani ku dhamaan doono,Waaguna iigu baryi doono.

Waxa meel kasta cooshadii aan ku jiray kasoo galay dhibcihii  iyo daadkii roobka.waxa intaas dheer madaw xoogan iyo dheel-dhaxameed oo is-wata,taas oo sii yaraynaysa goobidda gabaad kale oo kan ka roon.balse waxay dani igu haysaa sidii ay doontaba haw dhacdee in aan ku sii nagaado goobtan,waxaana Maskaxdaydu I leedahay inay Naftu mar uun baxdo,oo aanay mar labaad bixin,is-la markaana hadii aanay taydii noqon aan ka samata-bixi doono Xaaladan khatarteeda leh ee aan dhex-dabaalanayo.

Hadda waxa hoos u sii dhacaaya,siina yaraanaya dhibcihii Xooganaa ee Roobka,waxaana uu u sii onkadayaa Jihooyin kale oo hor leh. Dhawr daqiiqo ka dib waxa ka gabi ahaanba joogsaday roobkii,balse waxa ka dhashay daad xoogan oo darbiyo-jabiye ah.badiba intii uu roobku da’ayay waxaan ku dhamaystay taagni,fadhi iyo jeefna wuu iga dheeraa.

Dhegahayga  waxaa haataan soo gaadhaya Eedaankii 1-aad ee Salaada Subax,ama daakiraadii,walina indhihii ay shalay Cadceedu iigu soo baxday ayaan ku joogaa,dhamaan Xayndaabka goobtan aan ku suganahay waxa qul-qulaya Daad laxaadkiisa leh,waxaana meesha kasii baxaysa fursad ah in aan helo meel aan  Indhaha ku casaysto Wakhtiyada soo aadan. Maxaa yeelay Madashani waa meel Suuq ah oo loo soo Xoogsi iyo Xoolaba doonto,waxaana ku yaala Meherado Ganacsi oo aad u fara badan.

Waxa si rasmi ah u baryay waagii,waxaana bilaabay dhaq-dhaqaayo kala duwan oo ay Dadku kaga jawaabayaan Raxmaadka uu Eebe u shubay,Wakhti ay baahi xoogan u qabeen,waxaanay rajaynayaan in Nimcada Eebe  ay wada gaadho dhamaanba Adoomihiisa Dunida guudkeeda saaran ee u ooman Naxariistiisa iyo Raxmadiisaaba.

Waxay badiba dadkan Magaalada ku dhaqani ka dhursugayaan Deegaanadii Miyiga ee ay Xooluhu ku dhaqnaayeen wararka Subaxan Muuqaalka qurxoon looga soo sheegi doono,iyada oo Maalmihii ugu danbeeyay kasoo gaadhayeen dhawaaqyo ka dayrinaaya Xaalada nololeed ee dad iyo duunyaba la deriska ah.

Dadkii usoo shaqo tagay Suuqu waxay bilaabeen inay Xashiishka iyo Alaabaha kale ee uu Daadkii xalay kaga hortagay  Goobahooda Ganacsi ay  iska nadiifiyaan oo ay geeyaan Goobaha Qashin qubka ee Deegaanka ay ku noolyihiin.

Markii  ay si toos ah u bilaabeen Shaqooyinkii suuqo,qofkastaana uu ku dhaqaaqay hawl-maalmeedkiisa,ayaan isku dayay in aan indho-indheeyo Xaalada Suuqa iyo dadka jooga,bal in aan qofna ka garto.nasiib-daro taasi may dhicin,iimanayna suuragalin in aan helo cid aan garto.waxaan iska ag-joogay Meeshii waagu iigu baryay.Cooshadan yar ee aan xalay dhex kuududay waxa iska leh,kuna shaqaysta Laba Dumar ah oo iila muuqday in aan wali la guursan oo gashaatimo ah,isla markaana goobtan nolol maalmeedkooda kala soo baxa.

Waxaan halkii joogaba markii ay gaadhay barqadii ayaa mid ka mid ah Gabadhihii ay Dukaan ka ag-dhawaa iiga diratay Sonkor iyo Shaah-madaw,waanan isoo iibiyay,iyada oo markii  danbena  Shaah iyo Roodhi I siisay,taas oo si weyn iiga farxisay,iigana saartay wal-wal badan oo iga haystay sidaan u heli lahaa wax aan cuno.

Waxaan dhawr maalmood isaga jiray Xaladaas,oo waxaan gacan-yare u noqday Dumarkan Maqaaxida haysta,an-na waxaan ka helaa Nolol maalmeedkayga,iyada oo aan Habeenkiina iska dhex seexdo Cooshadan yar.iyada oo xaal sidaas yahay ayaa habeen habeenada ka mid ah waxay Ciidamada Amaanku bilaabeen Roondo iyo inay qabqabtaan Duug iyo dad dabaajiir ah oo looga shakiyay inay khatar ku yihiin amaanka Suuqan ay Hantida badani  dhex ceegaagto.waxaana dhacday….

La Soco….

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here