Muxuu ku saabsanaa socdaalka Guddoomiyaha Heritage Institute oo arrimaha Federaalka Soomaaliya ka shaqeeyaa ku yimi dalka Somaliland iyo Kulanka Madaxda Jaamacaduhu?
Hargeysa, (Hubaal)- Kulan qarsoodi ah, isla markaana aan ujeeddadiisa la shaacin oo dhawaan dhex-maray Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Somaliland qaarkood, xubno ka socda Jaamacado Puntland iyo Muqdisho iyo Guddoomiyaha Hay’adda Heritage Academy oo arrimaha nidaamka Federaalka ka shaqeysa, ayaa ka dhacay Xafiiska Jaamacadda Hargeysa.
Kulankaas oo ka qeybgaleen Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Camuud, Hargeysa, Golis iyo Burco ee Somaliland iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Puntland ee East Africa oo Garoowe ah, Jaamacadda SIDAM, Banaadir iyo Muqdisho oo Soomaaliya ka dhisan iyo Guddoomiyaha Hay’adda Heritage Institute Cabdirashiid Xaashi oo ka shaqeysa arrimaha Federaalka.
Waxaanu Kulankaas oo illaa wakhtigan ujeeddadiisa rasmiga ah aan la ogeyn, isla markaana dhinacyadii ka qeybgalay aanay weli ka hadal, ayaa Wargeyska HIMILO xogtiisa ku helay farriin uu bartiisa Twitter ku sheegay Cabdirashiid Xaashi, Guddoomiyaha Hay’adda Heritage Institute 12 bishan kulan sannadeedkii Jaamacadaha Soomaalida iyo Hay’adaha Cilmi-baadhistu ku yeesheen Hargeysa.
Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Camuud, Gollis iyo Burco oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Tacliinta Sare oo muddo hore Madaxweyne Siilanyo magacaabay, ayaa la kulankooda xubno ka socda Soomaaliya iyo Hay’adda Heritage Institute noqonayaa mid ka hori-manaya ujeeddooyinkii loo aasaasay iyo mawqifka Shacabka Somaliland ee ku aaddan madax-bannaanida Somaliland.
Xubnaha ka kala socday Puntland iyo Soomaaliya ee socdaalka iyo Shirka qarsoodiga ku yeeshay Hargeysa, ayaa la sheegayaa in imaatinkooda ay fududeeyeen Masuuliyiinta Jaamacadaha Somaliland oo la kaashaday Wasaaradda Waxbarashada, soo saarista Fiisayaasha ay ku yimaaddeen dalka.
Wargeyska HIMILO oo isku deyey inuu xogo dheeraad ah ka helo xubnaha ka qeybgalay kulankaas qaarkood, ayaa Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir oo khadka teleefanka aannu kula xidhiidhnay ka gaabsadeen inay jawaab ka bixiyaan.
Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adaha ay khusayso iyo Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha Hargeysa, Camuud, Gollis iyo Burco, ayaa looga fadhiyaa inay bulshada Somaliland u cadDeeyaan ujeeddada kulanka qarsoodiga ahaa ee ay kula yeesheen Hargeysa xubno ka soo jeeda Soomaaliya iyo Puntland iyo xidhiidhka u dhexeeya Hay’adda Heritage Institute ee ka shaqeysa arrimaha nidaamka federaalka Soomaaliya.
source:himilo