Suldaan Maxamed S.Cabdiqaadir oo ka hadlay shaqaadada ka dhex oogan Beelaha Axmed Faarax (Habar-jeclo) iyo Cabdalla Arab,Dhaliilo waaweyna u jeediyey xukumada iyo Ergadii wasiirada ahayd!.

0
27

Suldaan Maxamed S.Cabdiqaadir oo ka hadlay shaqaadada ka dhex oogan Beelaha Axmed Faarax (Habar-jeclo) iyo Cabdalla Arab,Dhaliilo waaweyna u  jeediyey xukumada iyo Ergadii wasiirada ahayd!.

 

Hargeisa-(Hubaal)-Suldaan Maxamed S.Cabdiqaadir oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa si mug weyn uga hadlay shaqaaqaada iyo muranka-dhul ee ka dhex oogan Beelaha Axmed faarax (Habar-jeclo) iyo Cabdalla Arab Tuulada Baliga Diiriye Guuleed.Suldaanku wuxuu iftiimiyey in xukumada Siilanyo u dirtay shaqaaqadaa Ergo aan ku haboonayn xalinteeda islamarkaana meesha ka saartay doorkii salaadiinta iyo wasaarada arimaha gudaha.

Ugu horeyn Suldaanka wuxuu si waadixa u sheegay in dhulkaas Baliga Diiriye Guuleed ee lagu muransan yahay ay leeyihiin Beesha Cabdalla Arab oo  ay laba ilaa sadex qarni  degaanayeen wuxuuna isagoo arintaas ka hadlaaya yidhi “Halka uu Suldaan Cumar Suldaan Maxamed ka yidhi Toddobaatan sanadood ka hor, waxaan leeyahay way ka horaysay oo laba Saddex qarni ka hor Beesha Cabdalle Arab ayaa deganayd Balliga “.

 

ggggg

Sidoo kale wuxuu Suldaan Maxamed sheegay in dhulka muranku ka taagan yahay la weydiiyo dadkii aqoonta u lahaa oo uu sheegay inay Burco qaarkood ku sugan yihiin, wuxuuna ka magac dhabay Maxamed Faarax Suusle.Suldaan Maxamed isagoo arintaas ka hadlaayana wuxuu yidhi “Caaqilkii ugu weynaa Cuqaasha reer Burco ee Faarax Suusle hadii ay dadkiisii cidi ka nooshahay inkastoo aan nolol ku ogaa Maxamed Faarax Suusle hala waydiiyo”. Wuxuuna Suldaanku intaas raaciyey “Odayaashii iyo Madax-dhaqmeedkii reer Burco way joogaan waxaanu eegaynaa inay Caddaalad ku dhex galaan labada Beelood,laakiin in laga garnaqsado meesha ma taalo, wax garnaqsi oo meeshan yaalaa ma jiro Laba iyo Saddex qarniba meeshan Cabdalle Arab ayaa degannaa intaasna cid isku qabatay iyo cid ku wadahadashay maanu maqal”.

Geesta kale wuxuu suldaanku daaha ka feyday cabasho ay salaadiintu ka cabanayaan madaxweyne Siilanyo iyo Golihiisa Wasiirada oo uu sheegay inay maroorsadeen shaqadoodii dhaqanka wuxuuna yidhi isagoo arintaas ka hadlaaya  “Madaxweyne Salaadiintii Somaliland mid-bay kaaga cabanaysaa oo ah in arrimihii dhaqanka ay noo waydaarteen Wasiiradaadii, waxaanu leeyahay arimaha dhaqanka ha loo daayo Salaadiinta iyagaa wax ka qabanaayee. Wuxuuna suldaanku hadalkiisa ku daray “labada beelood ee meesha isku haya waxa dhex-dhexaadin kara Salaadiinta iyo Cuqaasha”.

Tu kalena wuxuu suldaanku saluugay doorka ciidanka Qaranku ku lahaa shaqaaqada Balliga Diiruye Guuleed ee labada beelood isku hor-fadhiyaan wuxuuna yidhi isagoo ka hadlaaya qadiyadaa “Ciidanka qaranka waxa loo samaystay nabadgelyo, hadii ay intaas in le’eg ku darsadaanna waxa waajib ah in Xukumaddu ka qabato, Ciidanka qarankuna inuu noqdo mid reeraysan waa mid subxaanalle”.

Ugu danbayn wuxuu Suldaanku si weyn u duray ,una naqdiyey Aqoonta dad iyo degaan ee wasiiradii iyo ciidankii meesha loo diray wuxuuna yidhi “ Cabdalle Arab waxay fariin ahaan nagu soo gaadh-siiyeen in Ciidankii qaran ee la dhex dhigay aanay waajibkoodii gudan. Xukuumadda cid-baa Amniga u qaabilsan oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Cuqaasha iyo Salaadiintu Wasiirka arrimaha gudaha ayey hoos yimaadaan, wasiirrada kale ee meesha ordayaa qaar baan garanayn deegaankaba, metelen Wasiirka Boosaha deegaankiisiiba maaha, arrin Somaliland ah wuu ka hadli karaa, laakiin markay arrintu deegaan ku salaysan tahay waa looga faro dhuudhuuban yahay”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here