HUBAAL TV: “ Somaliland Waxay Ka Dhismi La’dahay Waa Isaaq, Samaroon, Dhulbahante Iyo Warsangali-na Way Na Og yihiin…” DAAWO Waraysi Uu 1994-kii Marxuum Cigaal Bixiyey Oo Uu Kaga Warramay Arrimo Laf-jab Ku Ah Qarannimada Somaliland Oo Haatan Taagan
Hargeysa (Hubaal)- Alle naxariistii Janno ha ka Waraabiyee, Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, ayaa sanadkii 1994kii waraysi uu siiyay warbaahinta Jabuuti kaga hadlay qodobo haatan hadal hayntoodu taagan tahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin, wax wada lahaanshiiyaha iyo tabashada beelaha darafyada siiba bariga.
Waraysigaa oo aad u dheeraa waxaanu ka soo dheeganay qaybo kooban oo uu marxuumku kaga hadlay arrimahaa iyo qaar kale oo ku lamaan oo dhamaantood haatan taagan. Waqtigii waraysigaa laga qaaday ma jirin maamul goboleed lagaga dhawaaqay dhulka Somaliland gudihiisa sida waqtigan dhacday ee khaatumo loogu dhawaaqay, hase yeeshee weriyayaashii waraysanayay waxay waydiiyeen marxuumkaa waagaa, siduu u arko haddii beelaha darafyadu ay ku dhawaaqaan maamulo kale, taasoo ay u sibir saareen tabashooyinkii jiray, ilaa hadana jira.
Waydiimihii waraysigaa lagu hor dhigay ee uu ka jawaabay oo saamayn ku leh marxaladda maanata waxa ka mid ahaa, Beelo kala duwan ayaa ku nool Somaliland, haddii ay tahay Baarlamaanka iyo hadday tahay xagga xukuumaddaadaba waxay yidhaahdaan siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha darafyadu reer baa sad bursiimo qaatay oo ma dheelitirna maamulka Somaliland, taasi miyaanay dhibaato u keenayn ummadda dalka ku wada nool?.
Wuxuu ku jawaabay. “Maya, wax dhibaato ah u keeni mayso, dad waxoogaa wax yar ah saluugay way jiraan oo wallaalahayo ah oo ku nool deegaamada Gobolada bariga ee Sool, oo aanaan ka maarmayn, laakiin arrinkaas waxaanu doonaynaa inaanu xal u helno. Sababta aanu waxba noo yeelayn waxa weeye laba sanno oo ku meel gaadh ah ayaa lagu soconayaa, wixii ka danbeeya waxa la samaynayaa axsaab. Qof walba waxa uu xaq u leeyahay hal cod (One Man, One Vote), oo immika Boorama waxa wax lagu qaybsaday qabiil, markaa qabiil waa laga tegayaa, waana la tuurayaa, waxaana la dhigi doonaa dastuur cusub, qaabkaas ayaa lagu soconayaa. Markaa beel walba wixii ay la soo baxdo ama Ilaahay bado ayay heli doontaa.”
Mudane Madaxweyne waxa la yidhaahdaa Somaliland waa mid ku dhisan qabaa’il, dawladaas aad adigu madaxda ka tahayna waxa aas-aasay Isaaq, haddii qaar yidhaahdaan anaguna waxaanu la baxaynaa Dhulbahante Land iyo Awdal Land bal arrintaas ka waran.?
jawaab. “Horta taasi ma jirayso, mana dhacayso. Boorama waxaanu ku nimi qabaa’il oo may jirin axsaab noo dhisnayd, markii aanu wax qaybsanaynayna waxaanu ku qaybsanay reer hebel, laakiin waxaanu ka dhiganay balan, laba sanno oo ku meel gaadh ah ayaynu sidaas wax ku sii wadaynaa, wixii ka danbeeya beel waa la tuurayaa oo waxay noqonaysaa in asxaab la sameeyo.
Ninkii waliba kii xisbi ku galaaya iyo kii hal iyo nirig ku galaaya isaga ayay la jirtaa, markaa waxa loo noqonayaa qaran oo xisbiyo siyaaddeed ayaa la samaynayaa, laakiin waanu ka balanay inay beeli hadho waxna aan lagu qaybsan. Ta Isaaqa. Wax Isaaq la yidhaahdo oo meel taagan, aqlabiyadna leh ma jiraan. Nimankaas aad sheegayso iyaga ayaa Hargeysa ku aqlabiyad weyn oo maalin walba Isaaqa u garnaqa. Waxaa maanta Somaliland ka dhismi la dahay waa Isaaq, nimanka aanu meesha wada joogno ama Samaroon ha noqoto ama Dhulbahante ha noqoto ama Warsangali ha noqotee way na og yihiin, kumana jiro baqe Isaaq ah oo ay ka baqayaan, ismana laha inta Isaaqu halkaas u baxo ayuu wax idin yeeli doonaa, anaguna isuma qabno ee iyaga ayaa dalka xukumaya.