Sooyaalka Taariikhdu Waa Mid Aan Salguurayn-W/Q:Xamse Xaaji Xasan

0
32

Waxa jira waxyaabo door ah oo haddii ay ummadi gefto aanay suurtagal ahayn inay gobanimo hanan karto,tusaale ahaan

baqayoDoonista ummada oo ka hooseysa heer qaranimo,haddii aanay ummadu ama dadku aanay daacad ka ahayn himiladooda qaranimo,haddii aanay ummadu ama buldhadu aanay isku sal-banaanayn,haddii ay ummadu ku dhe jirto cid kale oo ay ka haybadeystaan,haddii ay aqoonta ummadi yar tahay ama yasan tahay,dhammaan intan oo dhami waa kuwo aanay ummadi ku hanan Karin gobanimadeeda.

Dadka is leh lugooya Somaliland,xaqiiqdii waxaan qabaa inay iyagu is lugoynayaan,sidoo kale inta ku danaysata,waxaan qabaa inay iyaguna ay dib uga qoomamayn doonaan waxyaabaha caqligooda gaabani siinayo ee ay raacayaan.

Somaliland waa dhagax buur dheer ka soo shalwanaya,oo hadba jar ka soo boodaya,wuxuu soo socdana wuxuu fadhiisan doonaa dooxyo qabow ah oo bataax ama niis leh,Somaliland runtii waxaan u arkaa mid mucjisaysan oo Alle wateen ah oo aanay cida hagardaamadeeda jeceli wax ka qaadi karayn,isla markaana guulaha ay gaadhana aanay cidi gaar u sheegan Karin.

Aan hoos u dhaadhaco,xaqiiqdii dalkeena Somaliland waxa ka jira maamul xumo,caddaalad daro,sharci la’aan,hanta lunsi,waxaas oo dhana aanan odhan Karin khaladkeeda dawladda ayaa leh,balse aan odhan karo waa mid qaranka Dhammaan lawada leeyay,haday hogaanka dalka tahay gaar ahaan madaxtooyada iyo haddii ay tahay golayaasha qaranka,waayo bulshadaba waxa jira rag badan oo aan xul ku iman ee siyaabo kale oo reernimo iyo qaraabo kiilnimo lagu soo qaato,tusaale ahaan wasiir Reygal oo aan u haysto inuu madaxweynuhu u soo qaatay naafadii xisbiga ahaan iyo afarta wasiir ee tiirka noqday ee aad moodo inay beeshoodu madaxweynaha u keeneen oo ay heshiisyo la kala qortay,isla markaana aanu madaxweynuhu u haysan inuu afartan isagu magacaabay,waana afarta maanta wax kasta oo dalka ka dhacaya masuulka ka ah,balse magac xumada iyo maamus la’aanta dalka ay geliyeen ay tahay bar ku noqon doonta madaxweynaha maadaama dadka uu isgu madaxweyne u yahay oo aanay ummadu soo dooran afarta wasiir ee dalka siday doonaan ka yeela.

Waxaan ku soo koobayaa taariikhdu iyadaan salguurayne,waa mid lagu xusuusan doona taariikhda maamulka Haatan Jira

Qalinkii: Xamse Xaaji Xasan Muuse

Hargeysa…..Somaliland

Hubaal Media Network

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here