Somaliya oo boobtay saamigii xujaajta Somaliland xaqa u lahayd sanadkan + wasaaradda Diiinta iyo Aw-qaafta iyo Arrimaha gudaha oo ka gaabiyey Xilkoodii iyo Baasaaboor Somaliland-kii oo aan soo bixin

0
17

7350 xujaaj oo Sucuudigu Somaliya u qoondeeyey Somaliland oo la siiyey 1900 oo Xaaji iyo Somaliya oo qaadatay 5250 Xaaji

Hargeysa(Hubaal) Dawladda Somaliya ayaa xujaajtii Somaliland xaqa u lahayd sanadkan inay Xajka ka tagaan ka boobtay kadib markii tirada Xujaajta ee Sucuudigu Somaliya iyo Somaliland isku soo siiyey ay laba meelood iyo inkabadan ay qaateen Puntland iyo Muqdisho.

xajka

Sanadkan Xujaajta Somaliland ka tagaysa waxay Dawladda Somaliya oo sucuudigu soo marayaa u qoondaysay inay ka tagaan 1900 oo Xaaji, halka Puntland ay ka tagayaan 1100 Xaaji, 4350 Xaaji ee soo hadhayna waxa qaadatay Dawladda Federalka Somaliya.

Dawladda Federalka Somaliya wasiirkeeda Diinta iyo Aw-qaafta ayaa Cimradii dalka Sucuudiga u tagay sidii uu uga soo qaadi lahaa qaybta Xujaajta Sanadkan ee Somaliya ka tagaysa halka Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland uu Hargeysa kaga sugnaa.

Dawladda Sucuudiga ayaa Dawladda Federalka ku wareejisay saamiga Xujaajta, taasoo Dawladda Federalka Somaliya ugu talogashay inay u qaybiso Xujaajta Somalida oo dhan, maadaama Xidhiidh dhaw iyo galaan-galba ay la leeyihiin Muqdisho.

Dhinaca kale, marka laga yimaado saamiga kooban ee Somaliland laga siiyey Xujaajta, waxa iyana soo baxaya in Xujaajtu sanadkan ku tagi doonto Baasaaboorka Somaliya, kaasoo ay dawladda Federalku shaacisay xujaajta Reer Somaliland inay u fududayn doonto sidii aya baasaaboorkaas ugu tagi lahaayeen, taasoo illaa hada muuqata inay u badan tahay inay sidaas u dhacdo.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay inay Xujaajta Somaliland ku tagi doonto Baasaaboor Somaliland cusub oo ay xukuumaddu soo saari doonto, hase yeeshee sida muuqata Hadalka wasiirka wax ficil ah oo muuqda oo ay Somaliland Xukuumadeedu wadaa ma muuqdo, waxaanay taasi keeni doontaa in ay Xujaajtu saacadda ugu danbaysa ku qasbanaan doonaan inay illaa Muqdisho yaacaan.

Si kasta ha ahaatee, inta ay agoori goor tahay waxa wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Diinta iyo Aw-qaafta iyo Xukuumaddaba looga fadhiyaa inay Xujaajta fadhiga ka kacaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here