Shirka Magaado Cid Qaban kartaa Ma Jirto Inta Nin Ayuub ahi Nool Yahay..

0
21

(Ayuub Sheekh Isaxaaq ayaa Qaban kara Shirka Habar Magaado.)

Sida aynu ka warqabno waxa suuqyada Hargeysa waayadan laysla dhex marayaa war aan macno badan sameynayn oo sheegaya shir habar magaado ay iskugu imanayso, waxa wax lala yaabo ah in  rag waaweyn oo aan xaq u laheyn qabashada shirka habar magaado ay lasoo fadhiistaan TV-yada iyo Wargeysyada shirka Habar Magaado ayaanu Qabaneynaa waxaanu leenahay waa beentiin mana qaban kartaa idinkana yeeli mayno in magaca Hooyadayo aad ku cayaartaan.

maqaal

Magaado waxay dhashay Afar Caruura Afartaasna waxa ugu weyn Ayuub oo saddexda kaleba soo koriyey isagaanu aabahood kaga tagey arrimahooda isagaa ka masuul ah marka wax dani ugu jirto oo kheyr ugu jiro ay ka tashanayaan laakiin Ayuub Sheekh Isaxaaq ka talinmaayo Shir siyaasadeysan oo magaca Hooyadood lagu xajiimaynayo qofna ka yeeli maayaana hadalada noocaas ah.

Haddii aanu nahay Curadkii Magaado anaga ayaa qaban karna shir danaha magaado lagaga hadlayo wakhtiga aanu u diyaar garowno ayaana la qabanayaa Jiidali iyo meel kale toona ku qaban mayno ee hargeysa ayaanu ku qaban doonaa maalinta aanu u diyaar garowno laakiin haddii aad awoowgiin siyaaranaysaan cidi idiin diidi meyso balse hooyadayo inaad siyaaro la doonataan maaha wa ceeb ee ka waantooba nimankiina TV-yada dadka ku dawakhiyey shirbaanu qabanaynaa.

Xukuumada Somaliland waxaanu u sheegaynaa in ay shaqadeeda ka qabsato cida wada shirarka noocaas ah ee aanay dadkii xaqa u lahaa iclaaminin mana garanayno shirkaasi nooca uu yahay iyo danaha ay sheegayaan ee lagaga tashanayo waana shir siyaasadeysan oo dan gaar ah laga leeyahay waa in ay talaabo adag ka qaadaa shirka noocaas ah cida qabanaysa iyo meesha lagu qabanayaba .

Waxa aanu digniin adag u direynaa cida shirkaas qabanqaabineysa in aanay Beesha Ayuub waxba ka ogeyn shirkaas mana ogola in ilmihii ugu yaraa reerka u taliyo waana wax foolxun oo lagu ceebaynayo magaca sharafta iyo karaamada huwan ee Magaado halaga digtoonaado ceebta noocaas ah haddii kale waxaanu si balaadhan u cadeyn doonaa ujeedada shirkaas laga leeyahay.

 
Hassan Yusuf Farah(Burhan)

+252-63-4148658

Hargeysa, Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here