GUDAHA KA AKHRI: WARAYSI Gaar Ah Oo Wasiirkii Hore Ee Maalliyadu Weydiin Ku Geliyey Mawqifka Xukuumadda

0
25

Maxaa Iska Bedelay Mawqifkii Hore Ay  Somaliland Ugu Taagneyd  Wakiilka  UN-ta Ee Somalia?-GUDAHA KA AKHRI: WARAYSI Gaar Ah Oo Wasiirkii Hore Ee Maalliyadu Weydiin Ku Geliyey Mawqifka Xukuumadda

 “Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu Hore Ugu Yidhi Nicholas Kay Mar Danbe Dalkayaga Haku Soo Noqon Maxaa Markaa Iska Badelay Mawqifkaa Hore?” Maxamed Xaashi

 Hargeysa (Hubaal) – Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi ayaa su’aal galiyay waxaa iska badalay mawqifkii Xukuumadda Somaliland ee ay u ogolaatay Inuu Hargeysa yimaaddo Wakiilka xoghayaha guud u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo hore loogu wargeliyay in aanu dalka iman Karin.

Kullankii hore ee Madaxweyne Siilaanyo Iyo Nicholas Kay

Maxamed XaashiMadaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa kullan uu kula yeeshay Hargeysa Danjire Nicholas Kay sanadkii hore, waxaa uu ugu sheegay in uu ku soo qaldamay dal la daris ah dalkii uu Xoghayaha guud uga Wakiilka ahaa. Iyaddoo erayaddaas uu Cadeeyay Danjirahan oo bilihii aynu ka soo gudubnay khudbad ku saabsan xaaladaha dalka Somaliya ka jeediyay machadka Maraykanka ah ee la yidhaahdo United States instutite of peace, waxaana uu khudbadaas ku yidhi Kay “Mar keliya ayaan tagay Somaliland, waxa ay ahayd waqti yar kadib markii aan hawshayda bilaabay. Wuxuu ahaa safar wanaagsan, si diirran ayaa la ii qaabilay, la iina daryeelay. Horumar ku soo jiidanaya ayay ka sameeyeen Baarlamaanka, dawladnimada, hay’adaha dawliga ah, wasaaradaha iyo xarumaha, dabadeedna waxaan kulankii u dambeeyay la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo. Madaxweyne Siilaanyo waa nin furfuran oo anshax wanaagsan, laakiin wuxuu ii sheegay in aanan mar dambe soo noqonin.” “Sababtoo ah wuxuu [Siilaanyo] yidhi danjire waxaad madax u tahay xafiiska UNSOM ee caawiya Somaliya, waxaanan filayaa in wadanka aad u socotay uu kaa qaldamay. Waa dalka nala deriska ah, (Soomaaliya)”

Ergeygu Wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo u sheegay in maadaama oo uu xilkiisu yahay kor u qaadista distoorka, federaalka iyo doorashooyinka Somaliya ay adagtahay sida uu arrimahaas ugaga shaqayn karo caasimadda Somaliland ee Hargeysa. “Wuxuu igu yidhi shaqadaada Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay waa inaad kor u qaado federaalka, distoorka iyo doorashooyinka Somaliya. Sidee ayaad arrimahaas uga qaban kartaa Hargeysa.” Sidaas ayuu yidhi danjire Nicholas Kay.

Sidaas oo tahay waxaa jiray kullan dhawaan la tilmaamay inuu ka dhacay dalka Ingiriiska oo dhexmaray Wakiilkan iyo Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis., kaasoo la sheegay in is diidadaas hore lagaga gudbay.

Maxamed Xaashi Cilmi

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi oo waraysi siiyey Wargeyska SAXAFI waxa  tusaale u soo qaatay fariintaas hore ee la faray Wakiilkan ee ah in aanu dib ugu soo noqon Somaliland waxaa keenay hadda inuu maanta la kulmo madaxda Xisbiyadda Mucaaradka ah iyo Dawladda. “Subaxda ayaa Danjirahani la kulmayaa madaxda Xisbiyadda Qaranka iyo dawladda. Horena waxaynu u ogeyn in Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi waad nagu soo qaldantaye hanagu soo noqon. Haddaba, waxaa is weydiin leh maxaa mawqifkii Xukuumadda iska badalay.? Garan maayo waxaa loo casuumay ninkaas xiligan iyo waxaa lagala shirayo midna?”

Eng; Maxamed Xaashi waxaa uu tilmaamay in dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya shaaca ka qaaday inuu badda iyo hawadda Soomaaliya ku wareejiyay Qaramadda midoobay, taas badalkeedda waxaa uu sheegay In Somaliland dhulkeedda, badeeda iyo hawadeedaba u madaxbanaantahay oo aanay ahayn Qaran ku millan Soomaaliya., sidaas darteed, waxaa uu u soo jeediyay Xisbiyadda iyo dawladda Somaliland inay cadeeyaan mawqifkoodda iyo shakiga shirkan ka dhalan karra maadaama aan Qaramada midoobay iyo Wakiilkoodda midna qirsanayn Jiritaanka Somaliland. “Waxaan leeyahay ha ogaado Danjiruhu, Sidda ku cad Distoorka Qaranka Somaliland ee aftidda dadweyne lagu ansixiyay. Somaliland gooni isu taageeddu waa Muqadas. Cid ay kula shuraako tahay badeeda, barigeeda iyo hadweeda midna ma jirto. cid wax ka bedeli kartaana ma jirto Madaxweyne walaa Baarlamaan”Ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

Danjire Nicholas Kay ayaa shalay ku sugnaa Puntland oo uu kala hadlayay arrimo khuseeya nidaamka Federaalka ah ee uu ka waddo Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Xukuumaddu wax faahfaahin ah kama bixin ujeedada socdaalkan,. Waxaana looga fadhiyaa inay jawaabo ka bixiso su’aalaha ka dhashay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here