Ku suntan ilamaa goortii la doortay xukumadda talada dalka haysa, ilaa maanta oo laga joogo shan sano. Samsam Cabdi Aadan waa shakhsiyadda qudha ee hawl karnimo kaga soocan hawl u qaybsanayaasha xukumadda, ha ahaato wasiirro ama shaqaalaha dawladdee kale.
Barashadeedu waxay ii ahayd sanaddaas la doortay, loona caleemo saaray xilka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee jamhuuriyadda Soomaalilaand. Ka sakow daawashada muuq baahiyaha oo aan ka daalacan jiray, araggeedu waxa uu ii ahaa 27kii Juun 2013 oo aanu ku kulannay xafiiskeeda oo hawl yar naga gashay aniga iyo qaar ka mida ardaydii aan wax wada baran jirney. Marka laga yimaaddo shakhsiyad wanaaga iyo soo dhawayntii wacnayd, waxa Samsam u gaara oo ay leedahay qosol laab xaadhni ah iyo qalbi ka hadal aad dareemi karto. Alxamdulilaah hawlihii aanu ugu nimid si wacan way noogu dhammaysay, duco iyo dardaarranna way noogu dartay. Inkastoo runtii aanan arag masuul iyadoo kale ah oo dhallinyarada sidaa u gacan qabata, haddana waanu ku qanacsanayn ilaa xad kaalintay noo istaagtay maalinkaas.
Waxqabadkii wasaaradda waxbarashada oo qudha uguma hawl barane, Samsam waxay ahayd dhiirri geliyaha keliya ee qorshayaasha naga gala wax ka qaban jirtay. Hadalkeeda masuulnimo ee “wasiir” marka laga yimaaddo waxaa u caan ah kelmadda qiimaha badan ee hooyo oo iyadu ay tidhaa “maamo” ixtiraam awgii. Maalin ka mida sanadkii tegay ee 2014kii ayaanu si kedis ah ugu kulannay xaflad, salaan wax dhaaf siisan maanu is waydaarsan waayo? Markaa may jirin wax dano ah oo igaga xidhnaa.
Kaalin gelinta iyo dhabar u ridashada hawlaha wasaaradda baaxadda weyn ee waxbarashada, may ku eekaan jirin caasimadda ee gobal, tuulo, tu fog iyo tu dhowba isha way ku haysay. Kartideedii dumarnimo mid dhaafsiisan na runtii way ku hawl gashay oo Ilaahay ugu deeqay. Macallin iyo maamul ka cawda ma aan arag, muddo aan sanad wax ka dhigaayey dugsiyada hoose dhexe ee ku yaal caasimadda. Cabasho walba oo loo geeyo waa tii ku xallisa degenaanshiiyo iyo xasillooni, oo runtii waad u qushuucaysaa markaad aragto hadal gaabnida iyo xikmadda suugaanaysan ee ay ku sidkayso xallinta hawl murugsan iyo xushmaynta dadka u cabshada yimidba.
Annigoo ugu riyaaqsanaa hawsha wasaaraddii hore ayaa waxaa loo magacaabey wasaaradda maaliyadda, dhab ahaantii xilkaa loo magacaabey waan soo dhaweeyay oo waxa aan qirsanaa inay ka soo baxayso Alle na ku asturi doono. Habeenkii xil wareejinta waxa aan aad ula dhacay erayadii miisaannaa ee ay jeedisay, kuwaas oo qaarkoodna qalbiga ku qormeen: maanta kuma faraxsani xilka culus ee lay magacaabey, waayo? Markii horena waxa aan masuul ka ahaa arday yar buugtii iyo barashadiisa. Maantana waxa masuul layga dhigay islaanta wadhatada ah ee suuqa fadhiisata inaan shillinkeeda ilaaliyo oo aanay cabasho iiga iman. Waxay erayadani maskaxdayda ku soo dhaceen oo aan dib u xasuustay kol aan warka ka daalacanayey iyadoo midaysay fikirka ah in shirkadaha is gaadhsiineed ee dalku lacagta dirista ku isticmaalaan lacagteenna ‘shillinka’, taas oo xal u noqon karta sixirka lacagta qalaad ee kor u kacaysa. Samsam arrinkan madow may ku dhammayne ilaa guddoomiyaha baanka oo hawshu qusayso ayey kala arrinsatay. Warbixin deeqda cid kastoo arrintani taabanaysana, runtii way soo dhawaysay. Anna waan ugu hambalyeynayaa hawshan qaran ee ilaa guurti la soo dhaweeyay, Allena waxaan uga rajaynayaa in xilkeeda u fududeeyo.
Dhab ahaantii waxqabadka Samsam inaan iddiinka waramo igamay ahayn, shakhsiyaddeedana wax kagama doonnayo laakiiin waxa aan runta iddiinka sheegayaa hawl karnimada wasiirrad Samsam Cabdi Aadan iyo xikmaddeeda oo aan u aqaan Xaaji Cabdiga golaha wasiirrada Soomaaliland. Buun buunin igama aha oo waxaan ka warami lahaa wax yaabo badan oo aan dusha ka saaro amaanna ku ah iyada, ee kaliya waxa aan u soo jeedinayaa WASIIR sharaf baad agtayada ku leedahay. Waxqabadkaaga dadka dheefsada ee go’aankaaga ku nool baanu nahay, halkaa oo aad ka sii wado mooyee wax kale kuugumad3ucaynno. Horusocoo ka sii badi, kaalintaada noolee.
Wabillaahi tawafiiq
Hargeysa, Somaliland