Xisbiga WADDANI Oo Sharaxay Sababta Mucaaridku U Aqbalay In Muddo Sannad Ah Loogu Daro Xukuumadda Iyo Wakiillada

0
24

Hargeysa(Hubaal)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sharaxay sababta keentay in mucaaradku aqbalo muddo hal sanno ah in Xukumadda iyo golaha wakiilada loogu daro wakhtigoodii ku eekaa 26-ka june 2015-ka, isagoo Xisbigu ka digay muddo kordhin intaas ka badan oo guurtidu samayso.

 waddani

Xoghayaha guud ee Xisbiga Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Xukumaddu muddo saddex sanno ah ka soo shaqaynaysay sidii ay wakhtiga u korodhsan lahayd islamarkaana dadaal badan u gashay sidii wakhti dheeraad ah ay u heli lahayd.

“Beesha Caalamku diyaar umay ahayn doorashadu inay ka dambeysay Bisha December ee sanadkan, Xisbiyada Mucaaradkuna diyaar uma ahayn, Komishanka doorashadu diyaar umuu ahayn laakiin, waxaa meel laga maro la waayay 6-da bilood ee farsamaysan(Sharciga diwaangalinta oo dhigaya in marka Liiska codbixiyeyaasha la soo saaro 6 Bilood kadib doorashadu dhacdo) ee ciidanka loo adeegsaday ee Xoogga golaha wakiilada lagu mariyay. Waa 6-daas waxa dadka dabray ee halkaas gaadhsiiyay doorashada,” ayuu yidhi Mudane Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.

Xoghayaha Waddani waxa uu intaasi raaciyay “Waxaanu door bidnay in Xisbiiyada Qaranku culuskaa qaataan, Umaddu culayskaa qaadato, wixii ay xaq u lahaayeen dib looga riixo, oo aanu muddo hal sanno ah aanu ogolaano si doorasho uuni u dhacdo. Markaas cidda tanaasushay waa labada Xisbi Mucaarad iyo Umadda.Cidda loo tanaasulayna waa Xukumadda, Xukumaddu wixii ay waday ee ay ku dagaalantay si ay halkaas u gaadhsiiso doorashada ayaanu yeelay. Waxaanu u ogolaanay danta qaranka iyo danta umadda iyo si dalku horumar u gaadho oo doorasho uga dhacdo. Haddaan la kala caqli roonaan dalkani inoo hagaagi maayo, annagu la ficiltanka Xukumadda waxaanu ka door bidnay in dalkeenu nabad ahaado. Xisbiyada Mucaaradku waxay diyaar u yihiin inay Xukumadda Ka Laaluushaan wixii ay dhib keenayso, oo si aynu horumar u gaadhno aynaan Inamada yaryar ee halkaas(Madaxtooyada) jooga aynaan faraha isla gaadhin. Sidaas markay tahay Xisbiyada Mucaaradku sannad bay tanaasuleen iyagoo danta umadda eegaya” ayuu yidhi Mr Uurcadde.

Xoghayaha guud ee Waddani waxa uu  golaha guurtida uga digay muddo kordhin ka badan ta Komishanku soo jeediyay ee halka sanno ah “Golaha guurtida wax muddo kordhin ah oo laga rabaa ma jirto.Waxaan arkayay Rag guurtida ah oo Tv-yada ka hadlayay oo iska dhigayay iyagu qaranka leeyihiin oo siday doonaan u wadaan, waa beentood baanu leenahay. Wax muddo kordhin ah oo dalkan ka dhacayaa ma jiro. Muddadaas Komishanku sheegay inay doorasho ku qaban karaan ee halka sanno ah ayaanu ogol nahay in la gaadho, wuxuun baa guurtida laga rabaa inay halkaas sanno xalaaleeyaan. Wax intaa ka badan oo guurtidu gaadhi kartaa ma jiro. Hadday ku dhaqaaqaan wixii dalkaas dhibaato iyo burbur gaadha waxaa qaadi doona Golaha guurtida laakiin, kama filayno oo wali rag Odayaal ah way ku jiraan oo wax garad ah”

Xisbiga Mucaaradka ah ee waddani waxa uu sheegay inaan Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, lagu aamini Karin doorasho ay dalka ka hirgaliso islamarkaana loo baahan yahay in talo qaran la iskugu yimaado si doorasho loo gaadhsiiyo dalka 1-da June 2016-ka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here