Yemen oo la xidhay safaaradihii dalalka Ingiriiska,Maraykanka Iyo faransiiska

0
33

Yemen oo la Xiray Safaaradihii Britain,USA & France

Maraykanka, Britain iyo Faransiiska ayaa sheegay inay xirayaan safaaradihii ay ku lahaayeen magaalada Sanca ee dalka Yemen.

Dalalkaasi ayaa sheegay in sababta ay u xirayaan ay tahay xaaladda ammaan ee sii xumaanaysa.

 yemen xuuti

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in shaqaalihii safaaradda Maraykanka ee Sanca laga saaray magaalada.

Britain ayaa sidoo kale sheegtay in shaqaalihii ay la baxeen.

Dawladda Faransiiska ayaa iyaduna sheegtay in Jimcaha ay safaaradda xirayaan.

Saddexdan dal ayaa muwaadiiniinta haysta dhalashadooda kula taliyay inaanay u safrin Yemen, kuwa joogana waxay ugu baaqeen inay degdeg uga baxaan

source:voasomali

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here