“Nickolas Kay Laba Jeer Ayaan Kulanay, Marna Arrintaas Kamaanu Wada Hadal.. Shaqona Kuma Laha Federaal, Mana Dhacayso Inaanu….”

0
28

Hargeysa(Hubaal)- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo Maanta kulan gaar ah la qaatay Guddi-hoosaadka Golaha Wakiillada ee Baarlamanka u qaabilsan Siyaasadda Khaarajiga, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hindise kasta oo ay Qaramada Midoobay ku duwayso Istaraatiijiyada gooni-isutaaga Somaliland.

Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu si kulul u sheegay inaan haba-yaraatee wax ka suurto geli karaa jirin, isku-day kasta oo uu arrintaas ka sameeyo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Ambasador Nickolas Kay, oo todobaadkan warbaahinta Maxali ah qaarkood baahiyeen warar laga soo xigtay oo uu ku sheegayo in Shaqaalihiisa Xafiiska Muqdisho ay Hargeysa ka howl-geli doonaan.

maxamed biixi yoonis“Nickolas Kay laba jeer ayaan kulan, marna arrintaas kamaanu wada hadal” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi. waxaanu intaas ku daray “Somaliland waa dal Madaxbanaan oo ka go’ay saddex iyo labaatan sannadood ka hor Koonfurta Soomaaliya, shaqona kuma laha Federaal, mana dhacayso inaanu dib ugu noqono”.

Wasiir Biixi ayaa sidoo kale sheegay inay Caalamka ka doonayaan aqoonsi buuxa. “Somaliland aqoonsi buuxa ayay caalamka ka doonaysaa” ayuu yidhi Wasiir Biixi.

Wakiilka gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan QM, Nickolas Kay, ayaa Somaliland booqashadiisii labaad ku yimi badhtamihii sanadkii la soo dhaafay, kaddib ismaan-dhaaf sababay inay istaagto Shaqadii Xafiiskiisa Muqdisho Hargeysa ka qaban jiray oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo soo kala dhex galay Sanadkii 2013-dii.

Inkasta oo aan si cad loo ogayn siday tahay Wada-shaqaynta Somaliland iyo Xafiiska Nickolas Kay tan iyo markii ay labada dhinac ka heshiiyeen Khilaafkaas hore, hadana waxa muuqata in wali uu jiraan aragtiyo kala duwan oo ay labada dhinac ku eegayaan qadiyada Madaxbanaanida Somaliland, taasoo caqabad weyn ku ah qaabka uu u shaqeeyo Xafiiska UNSOM ee uu Madaxda ka yahay Nickolas Kay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here