Rabshadaha Kooxo Dhallinyaro Ah Oo Mar Kale Khatar Ku Haya Amniga Boorama Iyo Bilowga Qabqabashada Ciidamada

0
33

Boorama (Hubaal) —Iska horimaadka kooxo dhallinyaro ah ayaa afartii maamlmood ee ugu dambeeyeyba khatar ku haya amniga magaalada Boorama, iyadoo dhinaca kalena ciidamada amnigu hawlgallo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Boorama ku qabqabteen tiro badan oo ka mid ah.

BoramaSida uu ku soo waramayo weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, rabshadahan ayaa waxa ugu dambeeyey  kuwa lagu beegay  maalintii Jimcihii aynu soo dhaafnay, wakhtigaas oo magaalada Gabiley ay ka dhaceen rabshado  loo cuskaday dil ka dhacay degaanka Qorilugud  oo laba sarkaal oo ka tirsan ciidamada qaranku naftooda ku waayeen. Habeennimadaasi ayaa  cabbaare 11kii habeennimo waxay kooxahaasi oo watay budhadh, faashash iyo waxyaalo kaleba  ka soo bilaabeen Koonfurta Bari ee magaalada Boorama, halkaas oo ay ka qaadeen weerar lagu waxyeeleeyey guryo badan oo ku yaalla degaankaasi, kuwaas oo  uu ka mid ahaa guri uu leeyahay isuduwaha wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Awdal, laguna magacaabo Meecaad, waxana ku xigay weerarro kale oo loo geystay hantida shicibka, rabshadahana ku baahiyey degaanno kale oo ka mid ah magaalada oo aan habeenkaasi laga seexan, waxana rabshadahan ka horreeyey kuwa kale oo maalmihii ka horeeyey kala xidhay magaalada, waxanan goobjoog ka ahaa weerar koox dhallinyaro ahi ku qaadeen wiil 15-jir ah kaas oo hadh cad faashash lagu eryaday badhtamaha magaalada Boorama, aakhirataankiina naf kula cararay goob ganacsi kaddibna kooxahaasi xoog kagala soo baxeen meheraddaasi kaddibna u kaxaystay dhinac kale oo magaalada ka mid ah,  wakhtigaas oo koox dhallinyaro oo kale ka sasabeen wiilkaasi, farahana sidaa lagaga qaaday.

Rabshadahan oo aan la ogeyn ujeedada ay ka leeyihiin dhallinyaradaasi iyo halka ay salka ku hayaan  ayaa dhinaca kale  ciidamada amnigu ku qabqabteen tiro  badan oo aan la sheegin inta le’eg yihiin. Taliyaha saldhigga Booliska Boorama oo weriyaha Saxafi wax ka weydiiyey sida ay u arkaan rabshadahan iyo inay ogyihiin, ayaa sheegay inay ku jiraan isla markaana  sugayaan amniga magaalada Boorama.

Magaalada Boorama oo ku caan-baxday rabshadaha kooxaha dhallinyarada ah, ayaa sannadihii aynu soo dhaafnay  ee sagaashameeyadii sababay dhimasho iyo dhaawacyo ka dhacday dhexdooda, amniga magaaladuna faraha ka bixi gaadhay, waxayna joogsadeen markii boqolaal ka mid ah dhallinyaradaasi loo diray Xabsiga Madheera, ganaax lacageed iyo cafisyo loo fidiyeyna   lagu soo furtay markii dambe.

Xigasho: SAXAFI

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here